Wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska JSL oo ka hadashay furitaanka Safaaradda Xadhiga laga jaray.

Friday May 30, 2025 - 14:15:28
hadhwanaagnews
"Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland


Wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland ayaa soo dhawaysay dhismaha Safaarada cusub ee ay somaliland ka hirgalisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya taasi madaxawaynaha Sonaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo ku sugan dalka Kenya maanta ka jaray xadhiga.

Wasaaradda ayaa ku tilmaantay dhismaha Safaaradda horumar wayn oo laga sameeyey dhinacyada diplomaasiyada, ganacsi iyo isdhexgalka dhaqan-dhaqaale oo ka dhaxeeya Somaliland iyo Kenya, Sidaasna waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ay Wasaaradda Ganacsiga iyo dalxiisku ku baahisay Boga ay ku leedahay Facebook waxana uu u dhignaa sidan

"Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si weyn u soo dhoweynaysaa tallaabada taariikhiga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Dhismaha Cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Nairobi, dalka Kenya.

Furitaanka dhismahan cusub ee safaaraddan waxa uu muujinayaa horumar weyn oo laga sameeyay xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi, iyo is-dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Kenya. Waxaana ay wax weyn ka tari doontaa kobcinta iskaashiga ganacsi iyo horumarinta dalxiiska, iyadoo sidoo kalena ay xoojin doonto ilaalinta danaha muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan dalka Kenya.

Wasaaraddu waxa ay aaminsan tahay in tallaabadan ay fure u noqon doonto sidii loo ballaadhin lahaa suuqyada badeecadaha iyo adeegyada Somaliland, gaar ahaan wax-soo-saarka gudaha, loona dhiirrigelin lahaa maalgashiga iyo soo jiidashada dalxiisayaasha".
     
Loading...