Jooji Raaligelinta badan ee Dadka

Friday May 30, 2025 - 07:03:41
hadhwanaagnews
Oggolaanshihiisu waa mid nafta iyo nolosha kuu hagaajinaya.


Muddo dheer ayaad iftiinkaaga hoos u dhigaysay si dadka kale ay ugu raaxaystaan. Waxaad lahayd "Haa” mar kasta iyadoo qalbigaagu Maya leeyahay. Waxaad liqday xaqiiqadaada si aad khilaaf uga fogaato.

 Waxaad ilaalinaysay dareenkooda. Waxaad lumisay nabadaada adigoo ka baqaya in aad ka xanaajiso – kuwaasoo aan marnaba ka labalabeyn doonin inay kaa xanaajiyaan. Qalbigaaga ayaad jebisay adigoo isku dayaya inaad hagaajiso qalbiyadooda.

Haddaba is waydii, Maxaad dhab ahaantii u nooshahay?
Ma in aad naftaada u dayacdo dad kale raaligelintooda?.
Ma in aad iska indhatirto xuduudahaaga, nabaddaada, baahiyahaaga si aad dadka uga farxiso oo farxadooda u ilaaliso? Ma ogtahay in Adigoo raalli gelinaya iyaga aad hilmaantay in adiguba aad muhiim tahay?
Marka jooji in aad u noolaato raaligelinta dadka waayo marnaba ma raalligelin kartid. Adigu mas’uul kama tihid inaad dadka oo dhan farxad geliso. Laakiin waxaad mas’uul ka tahay naftaada.
Uma aadan dhalan si aad dadka u raaligeliso.
Waxaa laguu abuuray in aad Alle raaligeliso.
Alle ayaa mudan in la raaligeliyo had iyo jeer.
Raalli ahaanshihiisu waa mid waara.

Oggolaanshihiisu waa mid nafta iyo nolosha kuu hagaajinaya.
Jacaylkiisu waa mid aan abid baaba’aynin.
Raalli ahaanshaha dadka waa mid kumeelgaar ah, mar walbana is bedbeddelaya. Maanta way ku amaanayaan, berrina way ku caayayaan. Laakiin raaliahaanshaha Alle? Waxay kuu keenaysaa degganaan aanay abaal marin ama amaan dad ah waligood keeni karin.

Bilow inaad tiraahdo maya adigoon dareemin dambi.
Bilow inaad doorato naftaada adigoon cidna ka rabin ansixin.
Bilow inaad horumariso naftaada adigoo cidna uga baahnayn oggolaansho.
Bilow inaad u noolaato sidi aad Rabbiggaa u raaligelin lahayd.
Qiimahaagu waligii gacmaha dadka kuma jirin—wuxuu gacanta ugu jiray Alle SWT. Raaligeli Alle marka hore.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...