Iyadoo weerarada sii socdaan gobolka, hoggaamiyaasha adduunka ayaa ku baaqaya in xiisadda la dejiyo oo la xakameeyo.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay Iran iyo Israa’iil inay joojiyaan "kororka xiisadda”.
"Duqaymaha Israa’iil ee xarumaha Nukliyeerka Iran, weerarada gantaallada Iran ee Tel Aviv, waa waqtigii la joojin lahaa , nabada iyo diblomasiyada waa inay guulaystaan”ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartisa X ee horey loo oran jiray Twiter.
Madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay inay xaaladda socota ay kala hadashay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.
"Waxaan markale caddeeyay xaqa Israa’iil ay u leedahay inay isdifaacdo oo ay dadkeeda ilaaliso. Isla markaana, xasilloonida gobolka waa mid aad muhiim u ah," ayay tiri. Waxay intaas ku dartay inay ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay "muujinayaan is-xakameyn buuxda" oo ay xaaladda dejinayaan.
bbc/somali