Barnaamijkan uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland daahfurayo ,,,,
Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta sirasmiya magaalada Hargeysa, uga furey barnaamijka tallaalka Oofwareenka, Dabaysha iyo Jadeecada.
Madaxwayne ku xigeenka, ayaa daahfur ka dib waxa uu soo mari doona qaar ka mid ah xarumaha ay ka socoto tallaalka kala duwan ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha iyo goobo caafimaadka ee ay ka mid yihiin xarumaha hooyada iyo dhallaanku .
Barnaamijkan uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland daahfurayo ayaa loogu magacdaray barnaamijka ololaha talaalka ee heer qaran kaasi oo lagaga hortagayo cudurada Dabaysha, Jadeecada iyo oofwareenka.
"Ilmo kasta oo reer Somaliland ahi waa in aanu waayi karin talaalka, meel kastana waa in uu yaalaa tallaalku, anaguna waanu ku dabagalaynaa wasaaradda Caafimaadka, adduunka waa ku qariib in la arko ilmo aan talaalnayn oo haddana soconaya”Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka JSL.