Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa shalay si rasmi ah ugala wareegay agab caafimaad iyo daawooyin kala duwan dad muxsiniin ah oo reer Somaliland ah oo isku xilqaamay in ay bulshada u qabtaan kaalmo caafimaad.
Agabkan iyo daawooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Munaasabadda agabkan lagula kala wareegayey oo ka dhacday gudaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxaa goob-joog ka ahaa maamulka cisbitaalka, saraakiil ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka, iyo xubno kale.
Daawooyinkan iyo agabka caafimaad ee la keenay ayaa isugu jiray noocyo kala duwan oo muhiim u ah adeegyada degdegga ah, qaybaha qaybta carruurta.
Maamulka Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo goobta ka hadlay, ayaa uga mahadceliyay wasaaradda iyo muxsiniinta deeqdan qiimaha badan ee ay soo gaadhsiiyeen, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo cusbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Mudane Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa muwaadiniintan reer Somaliland uga mahadceliyey kaalmadan ay soo gaadhsiiyeen cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in ay tahay mid ka tarjumaysa dareenka walaaltinimo iyo garab istaagga bulshada dhexdeeda.
Gaba-gabadii waxa uu sheegay in ay tahay tallaabo wax tar leh oo ku dayasho mudan, kana qayb qaadanaysa baahida caafimaad ee bulshada, waxaanu intaas ku daray kaalmadani ay sare u qaadi doonto adeegyada caafimaad ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa.