Eedda ay leeyihiin madaxdu waa in aanay ciidanka u carbin
Inta aanu police-keennu lahayn tababar ay kaga hor tegi karaan dad gadoodsan oo mudaharadaaya, la barin xirfado iyo aqoon lagu xakameeyo rabshadaha (Non-lethal crowd control trading) isla jeerkaana aanay helin qalabkii ay u adeegsan lahaayeen inay nafahoodana ku difaacaan dadkana ku kala diraan, sida gaashaanka, koofiyadaha, ulo iyo agab ka difaacaya dhagaxa iyo waxyaabaha kaga iman kara dadka, sunta dadka ka ilmaysiisa (tear gas) biyo awood leh oo dadka tuuraya (water cannon) baaskooladda korontada (tasers) oo intaa beddelkooda gacantooda hub ku jiro, way sii jiri doonaan dhimashada iyo dhaawaca tiro beelka ah ee ka dhasha mudaharaadka. Sababtuna waa in marka askariga la xanuujiyo ama aad looga cadhaysiiyo uu adeegsanayo waxa kaliya ee gacanta ugu jira, kaasina waa rasaas iyo inuu xabbad ku rido dadka.
Sidoo kale inta aynu bulsho ahaan mudaharaaadka u naqaaanno dhagax la tuuro, taayir la shido, waddo la xidho, rabshad abuur iyo bililiqaysiga hantida suuqa taal, askarigeennuna yahay mid had iyo jeer diiqadaysan, qaadiroonaya, cadhaysan oo aan haba yaraatee lahayn xirfad iyo tababar, gacanna hub ku haysta midna sharciga, khasaaraha halkaa ka dhalan kara cid waliba way sii ogtahay.
Haddaba marka xaalkeennu kaa yahay, ma waxa mudan inaynu is waydiinno yaa leh masuuliyadda khasaaraha mise "Milil guudkii lama dhayee," waxaynu dib ugu noqonnaa wacyigeenna iyo aqoonta aynu u leennahay sida loo mudaharaado iyo sida loo xakameeyo labadaba?
Ma qabo in eedda khasaaraha ka dhashay mudaharaadka ee geeridu ka mid tahay markiiba lagula degdego Madaxwaynaha markaa jooga ee talada haya, mana qabo inuu isagu amarka noocaas ah bixinayo ee ah in dad la laayo. Tusaale, shalay dalka Madaxwayne ayaa haystay, muddaraadyo waawayn oo khasaarahooda lahaa ayaa dalka ka dhcay, dadkii wax ka eedeeyay isla markaana ka xumaaday waxa ka mid ahaa Madaxwaynaha haatan dadlka ka taliya, ma kula tahay inuu isla ficilkii uu shalay diiddanaa shan bilood isagoon joogin kursiga isagu isla ficilkii samaynayo?
Eedda ay leeyihiin madaxdu waa in aanay ciidanka u carbin ka hortagga rabshadaha iyo muddaharaaadyada, dadkana aanay ku wacyi gelin habka loo sameeyo muddaharaaddada. Marka qofka muwaaddinka ah loo sheego waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa aanu u lahayn inta lagu guda jiro bannaan baxa, askarigana sidoo kale, ayuu khasaaruhu yaraanayaa, lana ogaanaya cidd ku kacda wax aanay xaq u lahayn, ciqaab iyo la xisaabtanna iman karaa.
Ugu danbayn, mar haddaan la hurayn bannaan bax iyo muddaharaad oo la yidhi dadku xaq bay u leeyihiin, waxa innala gudboon si aynu ugu yaraan dhinno khasaaraha ka dhalanaya, waana inaynu aqoon ahaan iyo qalab ahaanba dib isugu noqonnaa oo wakhti iyo tamarba gelinaa sidii wax looga beddeli lahaa wacyigeenna oo aad u hooseeya, shaqddaana waxa iska leh xukuumadda.
Sakariye Bashir(ان الله مع صابرين)
Jimce Wanaagsan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!