Waxaanu sii xoojinaynay sidii xidhiidhka loo sii tayayn lahaa
Xildhibaan Jaamac Abokor Dubbe oo ka mid ah golaha wakiillada Somlailand isla markaasina safar shaqo ku jooga dalka Maraykanka, ayaa kullan midho dhal ah la qaatey guddida dhaqaalaha Baarlamaanka dalkaasi gaar ahaan gobolka Minneapolis, waxaanu xusay inay aad uga wada xaajoodeen sidii loo tayayn lahaa xidhiidhka labada dhinac iyo xoojinta dhinaca iskaashiga
Waxaanu yidhi" Waxaanu ka soo baxney xarunta Baarlamaanka gobolka Minneapolis, waxaanu halkan ku kulaney guddi ka mid ah Baarlamaanka oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gudidda dhaqaalaha, Jey Son oo ah nin xidhiidh dhaw la leh Somaliland, madax badan oo hore oo Somaliland ahna halkan ku qaabiley.
Waxaanu sii xoojinaynay sidii xidhiidhka loo sii tayayn lahaa ee loo sii hagaajin lahaa iyo sidii wax wada-qabsi loo samayn lahaa, sidoo kale waxa aanu ka wada hadalney dadka reer Somaliland ee halka degan arrimahooda, waxaana na dhex maray kullan aad u midho dhal ah, waxaanan rajaynayaa in aanu la kulmi doono madax badan oo gobolka ah iyo xildhibaano badan oo kale maalmaha soo socda”.
Xildhibaan Jaamac Abokor Dubbe ayaa bulshada reer Somaliland ee cariga Maraykanka ku booriyay inay shaqada xoojiyaan, dalkoodana u shaqeeyaan
Waxaanu yidhi "Bulshada Minnesota, waxaan ku wacyigalinayaa albaabadu way furan yihiin intii aad qabataan uun baa inoo qabsoomaysay”.