DEG DEG khudbadii Boqor Charles III ee Baarlamaanka Canada oo uu ku diray fariin ku saabsan madax bannaanida Canada

Thursday May 29, 2025 - 17:10:02
hadhwanaagnews
Casuumada uu Carney ku casuumay Boqor Charles



Boqor Charles III, ayaa diray fariin ku saabsan madax bannaanida Canada ka dib markii Salaasadii ka qayb galay xafladii furitaanka baaralamaanka cusub ee Canada.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kanada Mark Carney, oo la doortay bishii Abriil ayaa ku soo casuumay Boqorka iyada oo Canada ay ku jirto wadamada Barwaaqa sooranka ee hoos yimaada Boqortooyada. Furitaanka iyo socdaalka boqorka ayaa sanadkan xiiso gaar ah lahaa.

Casuumada uu Carney ku casuumay Boqor Charles in uu booqdo Canada ayaa qeyb ka ahayd fariin ku socota madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku celceliyay hadalo uu ku wiiqayo madax banaanideeda.

Xiisadda Maraykanka ayaa ahayd mawduuc guud, in kasta oo Trump aan magaciisa la soo qaadin.

Hadalka ayaa ku furmay mowjado waddaniyadeed iyadoo uu soo socdo dagaal ganacsi oo lala galo Maraykanka oo ahaa saaxiibka dhaqaalaha ugu weyn ee Kanada. Boqorku waxa uu ka hadlay "ku faraxsanaanta iyo ku qanacsanaanta joogitaanka dalka isaga oo sheegay inuu markhaati ka nahay dadka Kanadiyaanka ah oo isugu imanaya dareen hor leh oo ah sharaf qaran, midnimo, iyo rajo”.

Waxa uu muujiyay sida uu ula dhacsan yahay aqoonsiga gaarka ah ee Kanada iyo koboceeda tan iyo markii ugu horaysay ee ay Boqoradii Queen Elizabeth II ay furtay baarlamaankii ugu horeeyey 1955.

Waxa uu noqday "dal geesi ah, hammi leh, hal-abuur leh”.

Hadal dheer oo aad loola dhacay wuxuu ku soo gebagebeeyey tilmaan la mid ah: "Sida heesta qaranka Canada ina xusuusinayso: Waqooyiga dhabta ahi waa xoog iyo xor!”. (The true North is indeed strong and free).

Mawduuca kale ee ugu weyn ee khudbadda ayaa ahaa sida Kanada ay u waajihi doonto adduunyo leh "caqabado aan horay loo arag, waayo waxay is qabteen Maraykan oo ay ganacsiga isku tiirsanaayeen.

Khudbadda ayaa hoosta ka xariiqday baahida loo qabo in waddanku uu xoojiyo xidhiidhka ganacsi oo dhidibada loo taago, gaar ahaan xulafada Yurub. Intii lagu guda jiray ololihii doorashada ee dhawaan, Carney waxay ku celcelisay in dalku uu ku jiro marxalad muhiim ah oo taariikhdiisa ah.

Kanada ayaa cadaadis xoog leh kala kulmaysay Maraykanka iyo saaxiibada kale ee Nato si ay u kordhiyaan kharashaadkooda milatari, Carney waxa ay ballan qaaday in ay ku dhufan doonto bartilmaameedkaas marka la gaaro 2030ka.

Khudbadiisii salaasadii waxa ay ka koobnayd ballanqaadyo ah "dib u dhiska, dib u habeynta, iyo dib-u-maalgelinta” ciidankeeda; xoojinta xidhiidhka difaaca ee xulafada Yurub, oo ay ku jirto ku biirista Rearm Europe, qorshe lagu kordhinayo kharashka difaaca ee qaaradda; iyo in la xoojiyo joogitaanka Kanada Arctic.

Toddobaadkii hore, Carney waxa kale oo uu sheegay in wadahadalo "heer sare” ah uu la gelayo Maraykanka oo ku saabsan ku biirista nidaamka difaaca gantaalaha "Golden Dome” ee la soo jeediyay, kaas oo looga gol leeyahay ka hortagga khataraha mustaqbalka.

     
Loading...