Todobaadkan barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku qaadaa dhigi doonaa shan faa’iido oo geedka Cinabku u leeyahay caafimaadka qofka.
Qormadeena caafimaad ee todobaalaha ah waxa aynu ku gorfaynaa hadba mawduuca aynu is leenahay bulshada ayay faa’iido badani ugu jirtaa ama waxa uu xambaarsann yahay xog aad u ballaadhan.
Todobaadkan barnaamijka caafimaadka waxa aynu wax ka tilmaami doonaa shan faa’iido oo geedka Cinabku u leeyahay caafimaadka bulshada, loona baahan yahay inay ogaadaan.
Cinabku wuxuu ka mid yahay cunnada kor u qaadda difaaca jirka, waxaana ka buuxa fitamiino ka hortaga bakteeriyada, fayrasyada iyo caabuqyada, waxaa kaloo laga helaa fitamiinka E oo ka qayb qaata kobcinta difaaca jirka isagoo ka saacido waxyaabo badan.
Maadada "Flavonoids” ee ku jirta Cinabka waxa ay hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka waxayna caawisa isku-dheelitirka dufanka marka horeba khafiifka ah ee LDL loo yaqaanno ama kalastaroolka xun, taas oo hoos u dhigaysa khatarta wadne istaagga, cudurka faaligga, iyo xanuunka halbowlaha wadnaha (coronary artery disease)
Cinabka waxaa ku jira maadooyinka Resveratrol, Calcium, fitamiin K, Manganese, Magnesium iyo Potassium oo dhammaantood ka qeyb qaata kobcinta cufnaanta lafaha. Cinabku wuxuu ka hortagaa xaaladda lafo burburka oo ku badan dumarka.
Sare u qaadista caafimaadka wadnaha:
Maadooyinka ku jira Cinabka ee Fiber iyo Potassium ayaa ah kuwo waxtar u leh shaqada wadnaha, ayaga oo ka ilaaliya cadaadiska dhiigga, waxaana ay sidoo kale ka hortgaan bararka .
Cinabka waxaa ka buuxa maadooyin kale kuwaas oo qaabilsan in unugyada jirka ka ilaaliyaan dhaawaca ka dhasha sunta ka dhalata waxyaabaha jirka gala.
3- Waxtarka Caafimaadka indhaha ee Cinabka:
Cinabku wuxuu kaloo ka hortagaa daawana u yahay xanuunnada ku dhaca indhaha loona yaqaanno "Macular Degeneration”, cilladaani waxay ku timaadaa qofka markuu duqoobo, wuxuu kaloo ka hortagaa caadka indhaha fuula.
4- Ka hortagga macaanka:
Cinabka waxaa ku yar waxa loo yaqaanno "glycemic index (GI)” oo ah cabbirka dhaqsiyaha ay cunnadu kor ugu qaado heerka sonkorta dhiigga.
Cinabka waxaa ku jirta maado la yiraahdo "Resveratrol” oo caawisa in sonkorta dhiigga heerkeeda dabiiciga ah aysan iska beddelin.
5- Caafimaadka maskaxda
Canabku waxa uu hoos u dhigaa madax xanuunka, waxa uu xoojiyaa caafimaadka maskaxda, waxa uu ka hortagaa cudurka maskaxda burburiya ee asaasaqa, qofka uu ku dhacana waxa uu u noqdaa dawo wax badan ka caawisa.
Midhaha cinabku waxay xoojiyaan xusuusta, waxayna wanaajiyaan dareenka qofka