Gudoomiyaha Komishanka Doorashada oo Maamuusay Dhakhaatiir Bulshada ugu Shaqeeyay si Bilaash ah

Monday June 09, 2025 - 19:33:09
hadhwanaagnews
Waxaanu yidhi " Kullankani waxa weeye sagootinta Dhakhaatiirtaa



Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa maamusay Dhakhaatiir si bilaasha uga soo shaqeeyay bulshada magaalada Burco.


 

Kullan casho sharaf ah oo lagu bogaadinayay dhakhaatiirtan ayaa waxa u sameeyay gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, waxaana kala soo qayb galay wasiir ku xigeenada wasaaradaha Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Somaliland iyo dhakhaatiirta la maamuusayay.


 

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa si aad ah ugu mahad celiyay dhakhaatiirtan wakhtigooda u huray bulshada si ay caafimaadkooda wax uga qabtaan


 

Waxaanu yidhi " Kullankani waxa weeye sagootinta Dhakhaatiirtaa ka kooban dalal badan oo Yuru iyo Aasiya ka mid ah inooga yimi, oo muddo todobaad ah joogay dalka, oo adeeg caafimaad oo bilaash ah fidinayay, marka u horeysa in aan u mahadnaqno oo aanu nidhaa wakhtigiina aad u soo hurteen in aad bulshadayada u shaqaysaan waa ku mahadsan tihiin.

 

Sidoo kale gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka xog waramay qaliinada ay dhakhaatiirtani ka fuliyeen Burco iyo sida ay dadka ugu shaqeeyeen

 

Waxaanu yidhi "Waxaan leenahay ILLAAHAY miisaanka xasanaadka ha ugu daro, dad kun qof ku dhawa yay daweeyeen oo qaybo kala duwan ah, qaybaha ay ii sheegeen waxa ka mid ahaa qaliin ay carruur Faruuryaha u qaleen, qaliin gubniin aad u xumaaday ah, qaybaha kala duwan ee ay Dhakhaatiirtu ay ka yimaadeen sida caafimaadka degg-degga ah oo kale”.

 

Gebo’gabadii mid ka mid ah dhakhaatiirta sida bilaashka ah ugu dawaynayay magaalada Burco ayaa sheegay inay daweeyeen dad aad u tiro badan, waxaanu xusay in ay si bilaasha ugu adeegayeen bulshadaasi.

     
Loading...