"Maraykanka Gar-gaar ma Siin-doono Dal aan Wax Faa'iido ah kasoo Galayn."

Tuesday June 10, 2025 - 07:51:58
hadhwanaagnews
Tan ayaa ka dhigan in aan gargaar dambe la siin doonin


Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in aanay dib gargaar u siin doonin dal kasta oo aan waxba ku soo kordhinaynin danaha Maraykanka iyada oo deeqaha ay Caalamka siin jirtay ku tilmaantay in aanay noqon doonin sadaqo la siiyo dadka baahan balse ay noqon doonaan garab istaag la siiyo dadka uu Maraykanku wax ka faa'iidayo.

Tan ayaa ka dhigan in aan gargaar dambe la siin doonin dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika kuwaas oo Maraykanka wax ka suga balse isaga aan waxba ku soo celin ama aan laga dhex arag arrimo u adeegaya danaha Washington.
     
Loading...