Faa'iidooyinka Is-Bedel Doonkii Uu Soo Hooyey ( Abdi-Shotaly).

Friday March 28, 2025 - 14:04:16
hadhwanaagnews
* N.B Cirirkii Illaah Naga Dul Qaad, Caabuqii Askarta.

Marka hore salaan baan idiin soo dirayaa, waxana aan idin leeyahay Ramadan Mubarak, maalmihii ugu mudnaa baan ku jirnaaye, dhamaan ummadda Reer S/Land intiina aan beel daacad u hayni ee cadaalad iyo ummad mid ah doonaysaa, inta leh anaka oo keliya buu ku Lisa ayna, iyaku derbiga madaxa ha ku dhufteen, ummaddii waa taas is-wadda- Raacdaye, waxana aan si buuxdda u leeyahay leeyahay Akhristaw " Ma dan baa ka leeyahay, riyaa danabku leynaayo". Bal cirka ha soo dumiyeen inta hantiddii ummadda ku bararartay, ekuwaas oo iimaankii ka raacay Kursiggii, siyaasadda iyo farsamadda lagala wareegay, markiii ay ummaddii ogaatay in kuwa hor boodayaa ay yihiin yey dhiigoodda jaqaysa

Aa kuu qodobeeyo'e ku soo dhawaw waatan runtiiye;-
(1) Waa taas barbaartii ahayd da' yartu ka nasatay, beentii lagu maaweelin jirey, ee la lahaa " Waxa la idinku wadaa Somaliya iyo Cadawga debedda ah ee lagu sheegi jirey beesha Garxajis.

(2) Hadda waxa "Cadawaggii Gudugu" Wuxuu runtii noqday "Askariggii Raggii Ma adigaa ka hadhay iyo Intii la dhiiqi jirtey. Waa kuwii S/Land u burburi-naayey, in aanay raaf riixin, ee ay ka xoog-sadaan oo keliya.

(3) Labaddii Askari ee ku tallo galay in marka S/Land is dhamayso, la yodhaah-do isma maamuli karnee Inagu celiya Al-Shabaabland ( Waxad u taqaano Somaliya).

(4) Iyana waxa meesha ka baxay beel-beel lagu diro, oo warmaha la isugu dhiibo iyo Garcajis haduu maamulka qabto waa la idin xaaqaya, si ay kursiga ugu ilaaliyaan maamulkii 2ddii askari, ilayn siyaasad meela umay soo marin, SNM-na ma jirto. Meel ay xabad ka rideene, oo kala jebin iyo kala qaybin bay kula dhex jireene.

(5) Iyaba waa yaabe " Kuwii la lahaa waa la idin cunayaa , baa ugu badsaday maamulka Cusub" oo ay weliba dhulka isla dhacayaan, ilayn xaaraantii la raqaayey baa laga jaraye.

(6) Cadaalad baa timi oo Beelo aan weligood maaulmul ka muqaan baa imika la sinaaday beelii loo sad burin jirey, Sida Gabooye, toljeclo,Ayuub iyo Akishe.

(7) Ciidan-beeldkii oo la qarameeyey,

(8) Waxa musharkii loo kordhiyey Ciidankii wixii ka soo jadhay Ay Askartu baani'isay.

(9) Siyaasaddii Atimaha debedda oo dib loo soo nooleeyey, iyo caalamkii uu inoo hagar la' masmulkan Cusub.

(10) Iyo ugu dambayn Ummaddii La isku direy oo dib loo walaaleeyey.

(11) Balan Qaadaddii Wakhtiggii ololahii Uu Waddani sameeyey oo dhamaan hir-galay.

(12) Halkii wax uu ka burburin jirey maamulkii hore, waa wadda jir iyo Wax qabad.

(13) Ma jirto cabudhin war-baahineed, iyo hebel baa gabay tiriyey, suldaano iyo siyaadyiin la xidh-xidhaa,

(14) Ma jirto hablo jeelka laga buuxiyaa.

Waxan ku soo dabray maqaalkan, Rabbi ummadan si wacan buu u garan-siiyey in ay iska tuuuraan heeryaddii duliga, dulmiggii iyaka la kala ilaali-naayey, weliba la isku doraayey, reer la coloaw, taloba canaad baan ka aqaan, aan keligay jaqo, hantiddii ummadda ee la boobaayey, musuq-maasaqqii loo bartay oo iyana la soo gabaga-beeyey, xoriyatul-qawlkii oo xoroobay. Dhalintii oo mustaqbal u iftiimay, baqdintii wadnaha faraha lagu hayey iyo goormay isla qarxi oo iyana aan hadeer jirin.

* N.B Cirirkii Illaah Naga Dul Qaad, Caabuqii Askarta.

Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...