Laascaanood Cimri Dherer U Noqon-Mayso Al-Shababland ( Abdi-Shotaly).

Saturday April 12, 2025 - 12:38:07
hadhwanaagnews
* N.B Naag Yahay Kala Tagnay Ee Sheeg-Sheeg Hadhan!...

Kan yaree Ogaadeen ee " Reer Laascaanood Durbaan Haraggii Ka Qoyey U Garaacaaya" Saw malaha sifafaalihii ahaa, habar baa maalin maal-maha ka mid ah aragtay nin ay beri hore kala tageen oo ka raystay, iyana uu silic iyo darxumo u dhamaatay, oo qofkii arkaaba ku yidhi, waatii wanaaggii iyo wadda jirkii kaaga daray, ee u adkayso waxaad dhigatay baa ku hor yimiye. Akhristaw waxan uga socdaa qoraalkan meeshan "Al-Shabaabland" ( Waa wixii beri la odhan jirey Somalia), iyaba waa yaabe iyo quud aan jirin qoryo u guro'e, weli waxay quud-daraynaysaa Al-Shababland in ay dib S/Land ugu soo noqoto, balse waxay is-diid-siinayaan, oo indhaha bay runta hor taala ka lalinayaan, waayo Al-Shababland iilkii xabaasha baa la dhigay 18/May/1991kii, waxase u hadhay oo keliya in ciidda lagu rogo, mana dhici karto in ay dib uga soo baxdo, ee iyadu ciidda ha isku rogto.

Ummad yahay, caqliga " Al-Shababland" Wuxu cimri dherer ka dhiganayaa "Laascaanood" baanu tagnay, waa khiyaaliga ay weli isku maaweeli-nayaane. Maskaxdda ku jirtaa waa ta ku tidhi " Ictiraafka" u soo dhawaaday S/Land ee aduunka meel walba laga hadal hayo, baad ku joojin kartaan. Iyakoo aan xukumin Xamar oo "Al-Shababland" Maamusho, cashuur-tana ay ka qaadato dhamaan xuduuddii uu Talyaanigu haystay ilaa iyo Budhland ( Waa puntlande), bay meel kale oo mudo 34 sano ah horteed isugu dambaysay ee ku leeyihiin waanu xukunaa. Saw xaal-koodu markaas maaha sheekadda kor ku taal ee gabadha ninkii ay xumaysay ee furey ka daba ooyeysa, nin-kiina uu ku yidhi " Naag Yahay Kala Tagnay Ee Sheeg-Sheeg Hadhan".

Waxan ku soo af-jaray maqaalkan, kan yare ee ogaadeen ee loo maqaar saaray " Al-Shababland" Arin-tiisu waxa weeye " Lax Dhukani Abaar Moog" Waxan odhan lahaa S/Land socotay, oo hortaa jiraba wuu ku waashaye soo celin-teedda, dad-keeduna wuu tashaday, ha ku wareerina ee xaqiiq-dda isu sheega S/Land way idinka raysataye.Laascaanood waa S/Land, weligeed-na ay ahaan doontaa, waana dad is-wadda dhalay, oo abti, sodog, seedi, habar-wadaag, inaabti oo aan sinaba u kala tegayn, inkasta oo uu maamulkii askartu khalad kula kacay iyo xasuuq aan loo aabo yeelin, way iska soo dhamaan doontaa, goor ay noqo-tobacco waxa iman heshiis, ee idinku Al-Shabab iska xoreeya waa tan " Villo Abgaal" Hoobiyaha" La dhacaysee.

* N.B Naag Yahay Kala Tagnay Ee Sheeg-Sheeg Hadhan!
Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...