Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa      
      
	
			
	
			
	Bulshada magaalada Laascaanood ayaa muujisay cadho xooggan oo ka dhan ah isdhaafsiga maxaabiista ee  dhexmaray  Puntland iyo Somaliland.
 
		
	Talaabadan oo la waafajiyay   sharciga, ayaa u muuqata mid lagu xoojinayo xidhiidhka labada dhinac, gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka.
 
		
	Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa hore u shaaciyey in la furayo isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dhinac, taasoo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee la doonayo in lagu horumariyo.
 
		
	Si kastaba ha ahaatee, ciidamada gacanta ku haya bariga gobolka Sool ayaa diidan arintan maxaabiista Puntland Somaliland keentay iyakoo u jeedkoodu yahay in aan wax talo ah laga waydiin.