Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin madax hore dalka uga soo qabtay xilal sare ayaa isugu yimid shir muddo afar maalmood ka socday magaalada Muqdisho.
Madasha ayaa xalay soo saartay qodobbada ay ka mid yihiin amniga dalka, iyagoo sheegay in "madashu ay ku baaqeyso in meel looga soo wada jeesto dagaalka al-Shabaab iyo Daacish isla markaana dowladda lagu garab istaago."
Sidoo kale madasha ayaa ku baaqday midnimo iyo wadajir, iyadoo cambaareysay "faquuq siyaasadeed oo ay ku eedeeyeen maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh."
Qodobbada kale ee ugu waaweyn ayaa waxaa ka mid ah walaac ay madashu ka muujisay muddo-dhaaf xileed oo maamul-goboleedyada qaar ah.
Madasha ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkooda waxay dowladda ku eedeeyeen "ku takrifal awoodeed iyo musuq iyo heshiisyada ku aaddan kheyraadka dabiiciga ah oo ay sheegeen inay qarsoodi ahaayeen".
Sidoo kale madasha ayaa cambaareysay "xadgudub ay sheegeen in lagula kacay warbaahinta iyo in dadka lagu qasbay inay is-diwaan geliyaan si ay dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah".
Ma jiro weli wax war ah oo ku aaddan qodobbadan oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.