Tallaalkan Waxaanu ugu Talo-galnay in Gaadho Guud-ahaan Somaliland" Agaasimaha Was. Caafimaadka

Monday May 26, 2025 - 08:10:29
hadhwanaagnews
Geesta kale agaasimaha ayaa bulshada ka shaafiyay.....



Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay ololaha tallaalka Qaran ee shalay ay daahfureen ka wasaarad ahaan, waxaanu sheegay in tallaalkan aya ugu talo-galeen in lagu yareeyo xanuunada faafa

 

Guud ahaan dalka ayaa shaley sirasmiya madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, uu uga daahfurey barnaamijka ololaha talaalka Qaran, ee Oofwareenka, Jadeecada iyo Dabeysha.

 

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka oo wax laga waydiiyay ka wasaaradda ahaan qorshahooda ku aadan tirada caruurta ay u qorsheeyeen inay tallaalaan ayaa tilmaamay inay ugu talogaleen tallaalkan inuu gaadho ilaa sagaal boqol oo kun oo caruur ah.

 

Geesta kale agaasimaha ayaa bulshada ka shaafiyay in wararka sheegaya in tallaalka waxyeelo uu leeyahay, ayaa xusay in tijaabo caafimaad oo caalami ah uu soo maro tallaalku halkaasina lagu soo ogaado waxtarkiisa iyo waxyeeladiisa.

 

Waxaanu yidhi."Waxaan ugu talogalnay in barnaamijkan gaadho guud ahaan gobollada Somaliland, degmo ilaa Tuulo, si loo yareeyo xanuunada faafa, waxana la tallaalayaa waa caruurta da’adoodu ka yar tahay shanta sanno oo markey dhashaan laga bilaabo.

 

Dhammaan goobihii lagu tallaalayay, gaadiidkii iyo tallaalayaashii iyo shaqaalihii tallaalayayba, meel walba way gaadhayaan, waxaan ugu talagalnay qorshe ballaadhan oo dhamaytiran oo wasaaradda caafimaadku hormood u tahay”.

 

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka oo wax laga waydiiyay ka wasaaradda ahaan qorshahooda ku aadan tirada caruurta ay u qorsheeyeen inay tallaalaan ayaa tilmaamay inay ugu talogaleen tallaalkan inuu gaadho ilaa sagaal boqol oo kun oo caruur ah.

 

Geesta kale agaasimaha ayaa bulshada ka shaafiyay in wararka sheegaya in tallaalka waxyeelo uu leeyahay, ayaa xusay in tijaabo caafimaad oo caalami ah uu soo maro tallaalku halkaasina lagu soo ogaado waxtarkiisa iyo waxyeeladiisa.

 

Waxaanu yidhi"Wax dhibaato ah oo ka imanay tallaalka ma jiro, marka wasaaradda caafimaadku doorayaso tallaalku hab buu maraa, adduunka oo dhan baa laga isticmaalaa, Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ogolaata, Hay’ado kale ayaa la shaqeeya, waxa uu leeyahay marxalado uu maro, kuwaasi oo kala duwan.

 

Markaa marka horeba waa la soo tijaabiyay, waxtarkiisa ayaa la soo tijaabiyaa, waxyeeladiisa ayaa la tijaabiyaa, markaa wax dhibaato ah oo ka imanayaa ma jiraan”.

 

Gaba-gabadii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa sheegay in aanay wasaaradda ugu iman wax tallaal ah oo loo qorsheeyay cisbitaaladda dawladda, balse ay iyagu mudnaanta koowaad siiyeen in laga helo cisbitaaladda dawladda tallaalka

 

Waxaanu yidhi."Markii aan wasaaradda nimi may jirin cisbitaaladda dawladda in tallaal laga helo, laakin todobaadkan waxaan qorshaynay in dhammaan cisbitaaladda dawladda oo ah 21 cisbitaal oo gobollada ku yaala iyo todoba cisbitaal oo magaalooyinka waawayn ku yaala, 28-kaa cisbitaalba sida ugu dhakhsaha badan baanu u dhigaynaa oo amarkii madaxwaynaha ayay ahayd, markii horena qorshahayaga ayay ku jirtay”.

     
Loading...