Masuuliyiinta Waaxda cashuuraha berriga iyo ciidanka booliiska ee Ilaalinta cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay gobolada dalka ka bilaabay uruurinta cashuuraha baaqday ee dalka.
Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga Mr. Maxamed Cismaan Adan oo fariin u diray bulshada ayaa uugu baaqay inay bixiyaan cashuuraha ku baaqday si loogu horumariyo adeegyada xukuumadu u qabato bulshada.
"Waxa dhamaan gobolada dalka shalay ka bilaabmay olole cashuur uruurineed oo ku waajahan cashuuraha road tax, kala-wareejinta iyo liisanada dhacay”
Agaasime Maxamed ayaa u sheegay bulshada inay bilaabeen uruurinta cashuurahii baaqday, iskana soo bixiyaan dhamaan cashuurahii ku baaqday.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa bilowday olole kor loogu qaadayo dakhliga dalka, isla markaana cashuur-bixiyeaasha wanaagsan laga codsanayo inay soo bixiyaan dhamaan cashuuraha ku baaqday.
Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa mudooyinkii u dambeeyey bilaabay socdaalo ay ku marayeen inta badan gobolada dalka, taasoo ujeedadiisu tahay sare u qaadida dakhliga qaranka, si loo fuliyo waajibaadka ka saran Wasaaradda Maaliyadda dakhliga dalka