Badhasaabka Gobolka Xaysimo Fu,aad Cabdi Diiriye
Somaliland Ayaa xaalada abuur iyo Colaad hurin ku tilmaamay booqashada la filaayo in u Laascaanood ku tago Ra, iisal Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre.
Badhasaabka Gobolka Xaysimo Fu,aad Cabdi Diiriye oo Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro Xilkaasi u Magacaabay ayaa geestiisa isna ka digay booqashada Xamse ee Laascaanood,waxaa u sheegay in safarkaasi yahay mid la doonayo in Colaad hor leh lagaga abuuro Goboladaasi oo ku tilmaamay in Somaliland yihiin.
"Dawlada taagta daran ee Villa Somalia fadhigeedu yahay Muqdishana ajaanibta iyo Afrkaanku ku ilaaliyo markii ay guul daraysteen in ay dalkooda ka hirgeliyaan dawlad aan gacan ku rimis ahayn ayey isku dayeyaan in kala geeyaan.shacabka reer Somaliland,waxaana Xamse Cabdi Barre wadaa qorshe u doonayo in iskaga horkeeno shacabka Walaalaha ah,qorshaha ay Wadaan si dhaw ayanu ula soconaa wixii ka dhashana masuuliyadeeda iyaga ayaa qaadin doona.
"Gud Gobolka Xaysimo" Fu,aad Cabdi Diiriye