"Geedkaa Garan-waaga hala dabar jaro waana in tallo qaran laga yeeshaa" Xildhibaan C/rasaaq Haybe

Monday April 28, 2025 - 12:26:38
hadhwanaag
Dhibaatooyinka muuqda oo soo waajahaday deegaanka



Guud ahaanba waxaa sanadahan danbe si weyn looga dayrinayay dhibaato weyn oo ka dhalatay saamaynta taban ee deegaanka iyo nolosha bini’aadamka ku keentay isbedelka cimilada, kaasoo aafeeyay wadamo badan oo caalamka ah.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah wadamadda ku yaala dalalka Geeska Afrika, ayaa la tilmaamaa in ay ka mid tahay dalalka ay sida xun u saamaysay isbedelka cimiladda, isla markaana raadadkeedu ay si weyn uga muuqdaan dhul daaqsimeedka iyo meelihii cawska iyo xalafka xoolaha caanka ku ahaa.

Dhibaatooyinka muuqda oo soo waajahaday deegaanka waxaa la sheegaa in ay qayb ka tahay jarista dhirta dhuxusha laga shido iyo xaalufinta geedihii manaafacaadka u lahaa deegaanka, duunyadda iyo dadkaba, taasoo ay ka dhalatay in isbedel muuqdaa uu ku yimid hab nololeedkii bulsho.

Arrimaha mawduucaasi la xidhiidha waxa dhawaan dood ka yeeshay mudaneyaasha golaha Guurtidda jamhuuriyada Somaliland kuwaasoo aragtiyo iyo soo jeedimo ka sameeyay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda soo waajahday deegaanka.

Xildhibaanadda golaha Guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladaha uu ku sugan yahay deegaankeena oo ay sanadahan danbe soo waajahday, iyadoona dhulkii ay intiisa badan la wareegeen dhir inagu cusub.

Doodan ay xildhibaanadda golaha Guurtidu ka yeesheen in dhirtii deegaankeenu ay cidhiidhi ku jirto, kuwaasoo ay kala wareegeen geedo uu ka mid yahay geedka Garan-waagu, isla markaana waxay soo jeediyeen geedkaa Garan-waaga, tallo qaran halaga yeesho qaabkii loo dabar jari lahaa.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, qaybtiisa koowaad waxaynu ku soo qaadan doonaa doodii ay xildhibaanada golaha Guurtidu ka yeesheen xaaladaha deegaanku ku sugan yahay.

"Deegaankii waxaa la wareegay dhamaantiiba geed la yidhaahdo Garan-waa, meel kastoo aad martaba. Geedkaasina geed kama hoos baxayo. Markaa dhirtii deegaankeenu cidhiidhi ayay ku jirtaa. Anigu waxaan soo jeedin lahaa geedkaa Garan-waaga, tallo qaran halaga yeesho qaabkii loo dabar jari lahaa. Waxa kaloo iyadna jirta meel kastaba Xagaaf, ayaa laga bixiyay, kadibna meel waliba Tog ayay noqotay” sidaasi waxaa yidhi xildhibaan ka tirsan mudaneyaasha golaha Guurtidda Somaliland ee doodaasi deegaanka ku saabsanayd ka qaybq aatay.

Waxa kaloo uu xildhibaanku tilmaamay in maadaama oo aynu nahay bulsho xoolo dhaqata in haddii xoolihii laga xidho deegaankii oo meel walba beero laga dhigto in aanay jiraynin meel ay xoolo daaqaan, taasina ay khatar ku tahay jiritaanka xoolaha.

Isaga arrimahaasi ka ahdlayayna waxa uu yidhi "Inagu bulsho ahaan waxaynu leenahay waxaa jira xoolaha. Xoolihiina haddii laga xidho deegaankii iyo dhulka, oo meel walba beer laga dhigo, sida imikaba inay haysata ee meel walba beer looga dhigtay, meel xoolo ay daaqaana ma jirto. Markaa waxaan odhan lahaa.

Waxaa is gaadhay dhulkii dhulkii ay xooluhu daaqayeen iyo beerihii, waxaanan odhan lahaa arrintaa tallo danbe ha loogu noqdo. Dhawr jeerna sharciyo ayaynu ka soo saarnay, sharciyadii in lagu dhaqmaana waa waajib. Geedkaa Garan-waagana hala dabar jaro ayaan leeyahay, waana in geedkaa tallo weyn laga yeeshaa. Waayo? Wax manaafacaad ah oo uu leeyahay ma jirto”.

Sidoo kale xildhibaan C/rasaaq Haybe, oo isna ka mid ahaa mudaneyaashii doodaasi ka qayb qaatay ayaa sheegay in Cimiladu aad ay aad isku bedeshay sanadahan danbe, isla markaana uu adduunkii ku soo kordhay kulayl fara badan, roobab fara badan, baraf fara badan, iyo qabow badan.

Waxa kaloo uu xildhibaan Haybe, carabka ku dhuftay dhibaatooyinka deegaankeena ku soo kordhay ay ka mid yihiin wadooyinka ka samaysmay dhulkii xoolo daaqeenka ahaa ee ay biyuhu fadhiisanyeen, iyo tuulooyinka faraha badan ee la samaynayo.

Waxaanu yidhi "Waxaa ugu horeeyaa waxa weeyi, la socodka isbedeladda cimiladda adduunka ku soo korodhay. Cimiladu aad ayay isku bed bedelaysaa, waxaana adduunka ku soo kordhay kulayl fara abdan, roobab fara badan, baraf fara badan, iyo qabow badan. Qodobka labaadna wuxuu yahay wax ka qabashadda wax kastoo deegaanka wax u dhimi kara, waxaana ka mid ah oo ugu badan waa qashinka, ama xashiishka.

Waxa kaloo ka mid ah wadooyinka, waxa kaloo ka mid ah tuulooyinka faraha badan ee la samaynayo, waxaa ka mid in dhul cidlo ah la iska oodanayo. Waxa ka mid ah xoolaha lagu soo koobay meesha, waxaa ka mid ah dhuxulaysiga iyo dhirta la jarayo. Waxyaabahaasi oo dhami waa waxyaabo wax u dhimaya deegaankan lagu nool yahay, ee ay xooluhu daaqayaan, ama aynu degan nahay.

Qodobka saddexaad wuxuu yahay, ka wacyigelinta bulshadda ee ilaalinta iyo dhawrista deegaanka. Dadkana waa in loo sheego si ay u ilaashadaan deegaankoodda, iyo qashinka ay ku qubayaan meelaha ay xooluhu daaqayaan. Qodobka kalena waxa weeyi wax ka qabashada dhul go’a iyo sababaha keenay, sida gaadiidka ama waxyaabaha kale. Waxyaabo fara badan ayaana keenay dhul go’a gaadiidku way keeni karaan. Si wax looga qabto hawlaha balaadhan ee deegaanka waa in loo helaa dhaqaale lagu hawl gallo”.

Xildhibaan Khadar Qardhab, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha Guurtida ee doodaasi ku saabsanayd arrimaha deegaanka ka qayb qaatay, ayaa isn soo jeediyay in ay lagama maar maan tahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladha deegaanka soo waajahay. "Deegaanka marka laga hadlayo wuu balaadhan yahay, Bad iyo berribana wuu leeyahay, waana in la ilaaliyo labadaba, si ay iskugu dheeli tirnaato noloshu” ayuu yidhi xildhibaan Khadar Qardhab, oo doodaasi ka qayb qaadanayay.

Qaybta labaad ee qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa kulan lagu soo bandhigayay daraasad saamaynta isbedelka cimiladu ku yeelatay deegaanka iyo hab nololeedka bulshadda.

Kulankaasi oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday guddiga khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka iyo tamarta ee golaha Wakiiladda Somaliland, haayadda Nagaad oo cilmi baadhistan samaysay iyo masuuliyiin kale.

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo kaashanaysay haayadda maxaliga ah ee Nagaad, ayaa kulankaasi waxaa lagu falan qeeyay daraasadani lagu sameeyay xaaladda isbedel ee ku timid deegaanka iyo dhibaatada ay arrintaasi ku yeelatay hab nololeedka bulshada.

Intii kulankaasi uu socday waxaa hadalo ka jeediyay Aadan Axmed Hasan, oo ah agaasimaha waaxda isbedelka cimiladda iyo ilaalinta deegaanka ee wasaaradda deegaanka Somaliland iyo Nafiisa Yuusuf, oo ah agaasimaha daladda Nagaa, iyo sidoo kale guddoomiye ku xigeenka guddiga khayraadka dabiiciga ah ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Meecaad.

Waxaanay masuuliyiintaasi dhamaantooda tilmaameen muhiimada ilaalinta deeganka iyo in la helo cilmi baadhisyo wax ku ool ah oo la xidhiidha saamaynta isbedelka Cimilada iyo doorka wadashaqayta ee haayadaha iyo dawlada.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...