Xukuumada oo Sharci Adag ka Soo Saartay Ganacsatada Sifaha Khaldan u Isticmaala Liisamadooda

Monday April 28, 2025 - 12:03:03
HADHWANAAGNEWS
Waxa uu isu'duwayaasha iyo maamulayaasha kastamada



Amar ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa lagu sheegay in sharciga la horgayn doono ganacsatada sifo khaldan u adeegsata liisamada ganacsiga ee la siiyey.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in wasaaraddu ay masuul ka tahay bixinta liisamada kala duwan ee ganacsiga, iyada oo u raaceysa Xeerka liisamada Somaliland ee Xeer Lr. 98/2021.

Geesta kale waxa uu farey ganacsada in sharciga la horgeyn doono ciddii u isticmaasha ujeedo ka baxsan tii loo siiyey.

Waxa uu isu’duwayaasha iyo maamulayaasha kastamada ku wargeliyay inay dhaqangeliyaan amarkan, isla markaana ay sharciga horgeeyaan qofka ku xad-gudba liisan ganacsi oo ay Wasaaraddu siisay

Waxaanu yidhi. "Wasaaraddu ganacsigu waxa ay ka masuul tahay bixinta dhammaan liisamada ganacsiga, noocyadiisa kala duwan, ee shirkadaha kala duwani ay qaataan waxa aanu u raacna xeer kaas oo ah Xeer Lr. 98/2021.

Ka wasaarad ahaan waxa aanu bixina saddex nooc oo liisamo ah, kuwaas oo kala ah ka baayac-mushtarka ahna in wax la soodejiyo waxna la dhoofiyo, ka wax soo saarka iyo ka la xidhiidha ganacsiga adeegyada ay shirkadaha kala duwani bixiyaan, waxana loo cuskada xeerka ganacsiga qodobkiisa shanaad.

Marka marka la leeyahay qofku liisanka ujeedadii loo siiyay mideyn ahayn uma isticmaali karo waxa ay tahay haddii uu wax ku soo dejinayo wax kuma dhoofin karo, jumladna waxba kuma iibin karro.

Ciqaab ayaa ka dhalanaysa hadii liisanka ganacsiga loo adeegsado ujeedo aan ahayn tii loo bixiyay, kuwaas oo ah in liisankii laga xariyo isla markaana lagala noqdo.

     
Loading...