Nin si khaldan looga tarxiilay Mareykanka oo dib loogu celiyay.

Sunday June 08, 2025 - 15:00:24
hadhwanaagnews
Waxaa lagu eedeeyay in uu ka qayb qaatay qorshe


Kilmar Abrego Garcia oo 29 jir ah oo ka soo jeeda EL Salvador, kaasoo si khalad ah loo tarxiilay bishii Maarso, ayaa dib loogu celiyay Maraykanka si uu u wajaho dacwado loo haysto oo ay ka mid yihiin laba dacwadood oo heer federaal ah.

Waxaa lagu eedeeyay in uu ka qayb qaatay qorshe tahriibin ah oo socday dhowr sano oo la doonayay in muhaajiriinta aan sharciga haysan looga raro Texas loona geeyo meelo kale oo Maraykanka ah.

"El Salvador ayaa ogolaatay in la sii daayo Ábrego García ka dib markii Maraykanku u soo bandhigay waaran qabasho,"Ayay tidhi xeer ilaaliyaha guud Pam Bondi, Jimcihii.
Qareenkiisa ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo "Aan caqligal ahayn”
     
Loading...