"Dood na dhex martay aljazeera kaddiib magac dilkii ay Qaranka Somaliland ku samaysay.

Tuesday March 25, 2025 - 08:00:26
hadhwanaagnews
Dunida saddexaad inta badan majiro xeerka Magacdilku

Xaqiijin Articlekii waalaga saaray shabekada Aljazeera hadaad booqoto Linkgs website kaa waad arkay, xalay ayaan Email udiray aljazeera Center of Studies iyo Warbaahinta Aljazeera waxaa jira dhalinyaro badan oo iyana dedaalka dhankooda ka galay oo Email udiray dedaalkaasina waa guulaystay.

Dhankayga waxaan ka istaagay dhanka sharciga saxaafada maadaama oo aan ahay suxufi , waxaan usheegay in gef loo gaystay bulsho dhan iyo dal dhan taasina aanay ahayn wax la qaadan karo , aljazeera looga baahan yahay inay cadayso waxay qortay ee bilaa faaf reebka ah iyo caadifada ah .

Dunida saddexaad inta badan majiro xeerka Magacdilku " Defamation laws " balse nasiib wanaag Aljazeera waxay ka hawlgashaa wadamada UK iyo US oo leh xeerkaas waxaan ku daray Emailka in aanu dacwad ka dhan ah Aljazeera u gudbin doono labada haayadood ee dunida ugu wayn kuna ilaaliya saxaafada inay ilaaliso edaabiyaadka saxaafada " Ethics of Media " waa Ofcom "Office of Communication of UK" iyo FCC " Federal Communications Commission US" , labadaa Institution waxay markay xaqiijiyaan in qoraalku yahay been abuur hawada kasaarayaan Aljazeera qaybahooda wadamadaa sidookale waxaad ugudbinay dacwad marka intaasi dhacdo maxkamada UK iyo US oo lagu dalbanayaa magdhaw .

Waxaan hadda Email ah in ay aljazeera samaynay " Review" Baadhis sababta ay udaabaceen Qoraalka , sidookale waxaan xaqiijiyay in laga saaray websiteka shabekada article kii , balse waxaan xoojinayaa inaan laga hadhin ee lagu khasbo inay raaligalin bixiso .

Mohamed Duale
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...