Alle ha,u naxariisto Marxuum Mawliid Maxamed Giire oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargaysa ayaa lagu sagootiyay Aas Qaran.
Aaska Marxuum Mawliid Maxamed Giire ayaa waxa ka qaybgalay Maayerka Magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Culimo iyo dadaweyne kale.
Maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa uu sheegay in Marxuumka gacanta ku hayay camal wanaagsan oo sadaqa.Waxaana uu yidhi
"Waxa aan idin xusuusinayaa Marxuumku khayrkii ugu dambeeyay ee uu gacanta ku hayay waxa uu ahaa waxa jeelka Hargeysa ku xidhan inan iyo aabihii oo aan reer Somaliland ahayn, ninkaas oo Ilmo uu dhalay oo baxsaday uu gaystay dhagar. waana uu igala hadlay waa sadaqo furan,waan galayaa waana galayaa qof kasta oo doonaya in walaalkeen camalkaa u dhamaystiro wuu ila soo xidhiidhi karaa waana aynu bixinaynaa magtaa,”.
Sidoo kale Siyaasiyiin kale ayaa Marxuumka alle uga baryay in uu naxariistii janno alle ka waraabiyo samir iyo iimaan alle ka siiyo ehelkii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay.