Soo-jeedin ku Socota MDAXWEYNAHA .Somaliland
Calanka Jamhuuriyadda Somaliland waa astaanta ugu sarraysa ee mideysa ummadda, muujisana qaranimadeenna aynu ku faanno. Waa calan ka kooban midabbo iyo calaamado waawayn oo macno weyn xambaarsan, kuna turjumaya Islaamnimada, xorriyadda, iyo halgankii dhiigga badnaa ee lagu dhisay qarankan.
Laakiin waxa ka sarraysa wax kasta oo calankeenna ku xardhan: kalmadda barakaysan ee "La ilaaha illallaah" — Tawxiidka qaybtiisa ugu sarreysa. Tani waa sharaf weyn oo Alle inoo siiyay, balse sidoo kale waxay inaga rabtaa in aynu si gaar ah u dhowrno oo u qadarinno, si aynaan si khaldan ama si fudud ugu gafin.
Sidaa darteed, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa wacyigelin iyo talooyin ku wajahan ilaalinta sharafta calanka iyo kalmadda Tawxiidka:
1. Qorshe Dhab ah oo Lagu Dhowrayo Calanka Qaranka
Waxaa lagama maarmaan ah in la helo qorshe rasmi ah oo qeexaya sida calanka loo sameeyo loona isticmaalo. Qorshahan waa in ay ansixiso xukuumaddu, si shirkadaha daabacaadda iyo hay’adaha kale ee dawladda u helaan hannaan mideysan. Tani waxay ka hortagaysaa khaladaadka lagu daabaco calanka, una suurtagelisa ilaalin sharaf leh.
2. Ka Mamnuucidda Kalmadda Tawxiidka ee Agabka Dabaaldegyada
Arrin xasaasi ah ayay tahay in laga fogaado in kalmadda "La ilaaha illallaah" lagu xardho shaadhadh, calamo yar-yar, boorar, iyo wax kasta oo u nugul in la daadiyo ama la tuuro. Sidaa darteed:
* Waa in kalmadda Tawxiidka laga saaraa agabka aan rasmi ahayn ee dabaaldegyada loo isticmaalo.
* Midabbada calanka iyo xiddigta keliya waa la isticmaali karaa, balse kalmadaha barakaysan ha lagu darin.
* Kalmadda Tawxiidka ha lagu xardho oo keliya calanka rasmiga ah ee meelaha sharafka leh lagu sudho.
3. Ka Hortagga in Kalmadda Barakaysan Lagu Daabaco Buugaagta iyo Waraaqaha La Tuuro
Waxaa laga dareemayaa culays ah in lagu arko kalmadda Tawxiidka buugaagta canshuuraha, waraaqaha ganacsiga, iyo dokumentiyo la iska tuuro. Sidaa awgeed:
* Waa in si buuxda loo joojiyo in kalmadda Tawxiidka lagu daro agabkan.
* Calaamadda.ama loogadda Qaranka keliya ha lagu reebo, si loo dhowro barakada iyo xurmada kalmadda.
4. Meelaha Lagu Sudho Calanka Qaranka
Calanka waa in lagu sudhaa meelaha sharaf leh sida:
Dugsiyada
Xaruumaha dawladda
Xafiisyada rasmiga ah
Xafladaha qaran
Guryaha dadweynaha marka la xusayo maalmaha qaran
Waxaa mamnuuc ah in calanka lagu sudho meelaha hoose, la daadiyo, ama lagu tunto — khaas ahaan xilliyada dabaaldegyada.
5. Siyaasad iyo Xeer Rasmi ah oo Lagu Maamulayo Calanka iyo Kalmadda Tawxiidka
Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxaa looga fadhiyo in ay hirgeliso siyaasad iyo xeer rasmi ah oo qeexaya:
.Meelaha calanku yaallo
Sida loo maamulayo kalmadda Tawxiidka ee ku xardhan calankeena
.Cidda sharci ahaan u oggolaan karta in calanka la daabaco ama la isticmaalo
6. Mahadnaq iyo Kalsooni ku Socota Madaxweynaha
Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, shacabka Somaliland waxay kugu aamineen hoggaan cusub oo ilaaliya qiimaha qaranimada iyo diinta. Maanta oo kale oo ah 18ka May — maalinta xorriyadda — waa fursad qaali ah oo aad ku muujin karto daacadnimadaada iyo tixgelinta astaanta calanka, khaasatan kalmadda barakaysan ee ku xardhan.
Gabagabo
Calanka Qaranku waa astaan qaranimo, laakiin kalmadda Tawxiidka ee dusha ka muuqataa waa amaanad diini ah oo u baahan dhowris. Waa masuuliyad ina saaran in lagu ilaaliyo meelaha xurmada leh oo aan loo oggolaan in si sahlan loo dayaco. Damiir toosan, wadaniyad dhab ah, iyo taqwada qalbiga ayay u baahantahay ilaalinteedu.
Daahir Cabdi Ciise