Prof:ssor Iid Cali Axmed oo Iftiimiyay Ahmiyadda Calanka Somaliland ee Laga Taagay Qalcadda Cardiff

Thursday May 22, 2025 - 13:06:50
hadhwaangnews
Munaasibadda waxa kale oo ka qayb-galay xildhibaan...



Professor Iid Cali Salaan oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland ayaa sharraxaad iyo faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay in calankeeda laga taago qalcadda qadiiimka ah ee Cardiff ee dalka Ingiriiska, qalcadaas oo ah mid caan ah oo laga taago calamada. Isla markaana si weyn loogu xusay dabaal-degga xuska 18-ka May.

 

Wasiirka Dowlada Wales Jane Hutt, Safiirka Somaliland ee UK Cabdi Cabdillaahi iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee Welles ayaa si weyn isugu soo baxay barxadda weyn ee qalcadda qadiimka ah ee Cardiff, halkaasi oo lagu qabtay dabaal-degga xuska munaasibadda 18-ka May, isla markaana calanka Somaliland laga taagay qalcadaasi.

 

Munaasibadda waxa kale oo ka qayb-galay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Cardiff mudane Siciid Ibraahin, wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Mudane Cabdillaahi Geeljire, Mr. Martin Shipton oo ah suxufi ruug caddaa ah oo si wayn wax uga qora dedaalada ictiraaf raadita Somaliland, arrimaha horumarka, dhaqaalaha iyo siyaasadda Somaliland, sidoo kale waxa ka qayb-galay xildhibaano reer Somaliland ah.

 

Professor Iid oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Cardiff waxa lagu qabtay xaflad weyn oo loogu dabaal-degayay munaasibadda 18-ka May iyo 34-guurada ka soo wareegtay maalinta qarannimada Somaliland. maalintan adduunka oo dhan ayaa laga xusaa laakiin xafladdan Cardiff waxay Somaliland u leedahay macno gaar ah, sababta oo ah Cardiff waxay ka soo qayb-qaadatay halganka Somaliland, waana meel xidhiidh soo jireen ah la leh bulshada reer Somaliland xidhiidhkaasi oo ka soo bilaabmay xiliyadii siimaannimada.”

 

Iid Cail waxa uu intaasi ku daray "Xafladdaasi waxay ka dhacday qalcadda qadiimka ah ee golaha deegaanka Cardiff, halkaas waxa la sudhay calankii Somaliland, halkaas oo laga taago calamada, waxaana ka soo qayb-galay wasiirka Dowlada Wales Jane Hutt Safiirka Somaliland ee UK Cabdi Cabdillaahi xildhibaan Siciid Ibraahin oo ka tirsan golaha deegaanka Cardiff, Mr. Martin Shipton oo ah wariye ruug caddaa ah oo arrimaha Somaliland na si wayn wax uga qora, wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Cabdillaaih Cismaan Geel-jire iyo xildhibaano reer Somaliland ah.”

 

Professor Iid waxa uu sheegay in munaasibadaasi lagu muujinayay xidhiidhka qotada-dheer ee u dhexeeya reer Somaliland iyo Cardiff, waxa munaasibaddaasi hadal ka jeediyay wariye Martin Shipton oo ah suxufi caan ah oo in badan Somaliland qadiyadeeda gaadhsiiyay dunida, kaas oo muddo ka badan 20 sannadood ka qayb-qaadanayay halganka caalamiga ah ee Somaliland ku jirto.

 

Professor Iid oo ka mid ah halgamayaasha xorriyadda Somaliland, isla markaana si weyn uga soo qayb-qaatay dib u dhiska iyo horumarka Somaliland, waxa uu la taliye ka ahaa wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxa kale oo uu la taliye ka ahaa Baanka Somaliland isaga oo baanka u sameeyay qorshe hawleedkii ugu horreeyay ee uu yeesho baanka Somaliland.

 

Professor Iid waxa kale oo uu si mudadawacnimo ah tababarro u siinjiray agaasimayaasha cududda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa-banaan ee Somaliland iyo agaasimayaasha guud ee dalka, tababaradaas oo ay iska kaashadeen isaga iyo hay’adda shaqaalaha Somaliland ayaa ahaa kuwo kor loogu qaadayay aqoonta iyo waayo-aragnimada agaasimayaasha waaxyaha cudududa shaqaalaha iyo agaasimayaasha guud ee dalka.

     
Loading...