Kooxda Fannaaniinka Ciidanka qaranka ee Gaashaan oo ay hoggaaminayeen Gaashaanle Dhexe Kayse Maxamed Goolle taliyaha waaxda wacyi glinta hoggaanka wacyi glinta abaabulka iyo isboortiska iyo taliyaha kooxda Fannaaniinka Gaashaan Kabtan Axmed Cabidlaahi Wacays ayaa dugsiyada tababarka ciidanka qaranka ee Sheekh iyo Caynaba ka dhigay barnaamijoyo bandhig faneed wacyi gelin ah oo dhiirri gelin iyo hoga tusaalayn u ah ciidnaka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kooxda Fannaaniinta ciidanka qaraka ee Gaashaan ayaa barnaamijyada wacyigelinta ah ee ay dugsiyda ciidanka qaranka ka soo dhigeen waxay ciidanka ku baraarujiyeen waddaniyadda dal jacaylka iyo difaaca qanka,waxay ka wacyi geliyeen qabyaaladda kala dambayn la,aanta iyo is maqal la,aanta.
Taliyaha kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan Axmed Cabdilaahi Wacays ayaa sheegay iyagoo fulinaya amarka taliyaha ciidanka qaranka in ay barnaamijyo wacyi gelin ah ka soo dhigeen dugsiyada tababarka ciidanka qaranka ee Sheekh iyo Caynaba isla markaana ay ka mid tahay shaqada kooxda fannaaninta Gaashaan ee Ciidanka qaranka.
Geesta kale taliyaha aagga Bari ee cidnaka qaranka Somaliland Sarreeeye Guuto ali Barre Xuseen,ayaa ku ammaanay fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan barnaamijyada wacyi gelinta ah ee ay ku tageen dugsiyada ciidanka qaranka ee Sheekh iyo Caynaba sheegayna in ay hawl qaran oo looga baahnaa in ay qabteen waxaanu ku soo dhaweeyay kooxda ciidanka qaranka ee gaashaan iyo madaxdooda hoggaaminayya taliska aagga bari ee ciidanka qaranka ee Oog.