Guddida qaban qaabada xuska qaran ee 18 May ayaa shalay ciidanka qaranka Somaliland kaga qayb galay Dhoolatus iyo Gaada kacayaar ay soo ban dhiagayeen ciidamada kala duwan ee qalabka sida oo ay ugu diyar garoobayeen xuska maalinta qaran ee 18 May.
Waxa ka mid ahaa Guddidaas wasiirada wasaaradaha warfaafinta duulista, shaqada iyo arrimaha bulshada, duqa caasimada Hargeysa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex iyo Taliyayaasah kala duwan ee ciidamada qaranka .
Waxa halkaas gaardis iyo dhoolatus kumaray ciidamda kala duwan ee qalabka sida, taas oo ay ku muujinayeen udiyaar garawgooda maalinta qaran ee xuska 18 ka May.
Taliyayaasha kala duwan ee ciidamada iyo guddida qaban-qaabada ayaa salan sharaf ka qaatay ciidamadii ku jiray udiyaar-garawga xuska maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May.
Ciidamada ayaa diyaar-garow xoogan ugu jira maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, oo ku beegan 1993 18 may markii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya.
34 sano guurada 18-ka May ee maalinta Qarannimada ayaa diyaar-garowgeeda aad looga dareemaya dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshada Qurba-joogta ayaa iyaguna sidaasi silamida diyaar garow ku jira ay ku weyneynayaan maalintan.