Laba xildhibaan oo Maraykan ah ayaa Khamiista warqad u diray safiirka Soomaaliya iyaga oo kaga dalbadeen in dalkiisu ka noqdo go’aankiisii ahaa inuu mamnuuco dadka haysta baasaboorada Taiwan.
Sida lagu baahiyey Taiwannews shalay, Xildhibaannada Tom Tiffany iyo Andy Ogles oo warqad u diray safiirka Soomaaliya ee Maraykanka, Dahir Xassan Cabdi, ayaa walaac ka muujiyey go’aanka Muqdisho ee ahaa in baasaboorada Taiwan laga dhigo kuwo aan ansax ahayn. Xildhibaannadu waxay sheegeen in go’aankan la soo saaray ka dib markii Shiinaha uu ku cadaadiyey.
Xildhibaannadu waxay ka digeen in falkan uu keeni karo "ciqaabo daran oo ka dhan ah” Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa haysta "Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaadhka ah” (Temporary Protected Status). Waxay yidhaahdeen tallaabooyinka aargudashada ah waxaa ka mid ah ka noqoshada fiisaha iyo dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool oo loo dirayo Soomaaliya.
Waxay sheegeen in tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee kale ee ay Maraykanku haysto ay ka mid yihiin joojinta degdegga ah ee dhammaan fiisaha Maraykanka ee la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, diidmada in baasaboorada Soomaaliya lagu soo galo ama lagu sii dhexmaro Maraykanka, iyo xayiraadda gargaarka laba geesoodka ah ee mustaqbalka. Xildhibaannadu waxay yidhaahdeen tani waxay kaloo keeni kartaa xidhitaanka safaaradda Soomaaliya ee Washington, eryidda shaqaalaheeda, iyo suurtagalnimada in gebi ahaanba la joojiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya.
"Haddii dawladda Soomaaliya ay ku adkaysato inay u dhaqanto sidii oo ay tahay laan ka tirsan Xisbiga Shuuciga Shiinaha, ma jirto sabab ay Maraykanku u sii wado inay u arkaan dawlad madax bannaan, sharci ah, ama mudan in Maraykanku aqoonsado,” ayay yidhaahdeen xildhibaannadu. Waxay ku soo gabagabeeyeen warqadda iyaga oo ku baaqaya Muqdisho inay ka fogaato cawaaqibkan suurtagalka ah iyadoo "isla markiiba ka noqonaysa amarkeeda aan sabab lahayn ee ku saabsan mamnuucida baasaboorada Taiwan.”
Maamulka Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa 22-kii Abriil soo saaray ogeysiis sheegaya in, laga bilaabo 30-ka Abriil, dhammaan baasaboorada iyo dukumeentiyada safarka ee la xidhiidha ee ay bixiso Taiwan ama hay’adaha la xidhiidha ay noqon doonaan kuwo aan ansax ahayn gelitaanka, ka bixidda, ama ka gudubka Soomaaliya. Waxay sheegtay in go’aankeedu uu ku salaysan yahay u hoggaansanaanta Soomaaliya ee mabda’a "Hal Shiine” ee hoos yimaada Qaraarka Qaramada Midoobay 2758.
Talaadadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa ka mudaaharaaday tallaabadan, iyadoo ku eedaysay Soomaaliya inay "ku dhaqmayso dhiirrigelinta Shiinaha.” Waxay sidoo kale cambaaraysay fasiraadda Soomaaliya ee Qaraarka Qaramada Midoobay 2758 iyo ku xidhista mabda’a "Hal Shiine”, taas oo ay sheegtay inay tahay isku day lagu abuurayo khayaali ah in Taiwan ay hoos timaado Shiinaha.