Shan qodob oo aanu Maxamed Kaahin Musharrax iyo Guddoomiye midna ka noqonayn Kulmiye

Saturday May 03, 2025 - 12:37:29
hadhwanaagnews
Sumcadda Maxamed Kaahin oo dhulka taalla, kuna ..


1. Waxa burburay is-bahaysigii JEEGAANTA ee u dhaxeeyey beelaha Habar Awal iyo Habar Jeclo. Waana sababta uu Ina Kaahin Kulmiye ugu jiray.

2. Kulmiye 12 kun oo cod ayuu ka soo helay gobolka Togdheer doorashadii xisbinimada loogu soo baxayey, taasi oo caddeyn u ah in beesha Habar Jeclo uu faramadhan ka taagan yahay Kulmiye
3. Habar Jeclo oo imika yeelatay xisbiga KAAH, laakiin hore Kulmiye ula lahayd Habar Awal.

4. Sumcadda Maxamed Kaahin oo dhulka taalla, kuna shaabadaysan ciidankii Garaadada gobolka Sool ay wateen ee uu ku soo daayeyey gudaha Laascaanood. Shaabaddan waxa loo adeegsanayaa ololaha doorashada madaxtooyada haddii uu isa soo sharraxo.

5. Kaba soo qaad in da'da Maxamed Kaahin tahay 77 jir imika. 7 sanno oo cirro xilka hayo ka dib wuxuu noqonayaa 77+7= 84 jir. 84 jir madaxweyne u tartamayaa waa arrin adag.
W/Q: Cali Cabdi Coomay
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...