Farmajo oo si adag uga hadlay shirkii Wadatashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Thursday May 08, 2025 - 13:47:41
hadhwanaagnews
"Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ....



Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ku eedeeyayburburinta Madasha iyo xukun maroorsi, isla markaana uu madasha u bedelay xisbi isaga u gaar ah, taas oo uu sheegay inay khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida dalka ayna dib u dhigeyso dowlad-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

 

"Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya guddi doorasho oo aan haysan wax sharciyad ah, loona marin dhismihiisa habraacyadii dastuurka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu ahaa, taas oo caddeyn u ah in Madaxda dowladdu rabaan oo kaliya qabashada doorasho hal dhinac ah”, ayuu yiri madaxweynaha hore oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook.

 

Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay madaxweyne Xassan Sheekh uusan dalka gelin xaalad halis ah oo dhaawaceysa dowladnimada iyo wadajirka , muddada kooban ee ka hartay muddo xileedkiisa dastuuriga ah, waa sida uu hadalka u dhigayee.

 

"Mudnaantana ha siiyo shaqada qaran ee laga sugayey ee ka hortagga khatarta argagixisada, raadinta dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha iyo qabashada gogosha uu ballanqaaday ee Wadatashiga Qaran”, ayuu intaas raaciyay.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu dambeyntii baaq u diray madaxda Dowlad Goboleedyada, wuxuuna yiri:

 

"Waxaan madaxda Dowlad Goboleedyada hadda qeybta ka ah shirarka Villa Soomaaliya, ee Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ugu baaqaynaa inay garowsadaan in waajib ka saaran yahay maslaxadda guud ee dalka iyo hannaan siyaasaddeed oo loo dhan yahay, ayna ka fiirsadaan ka mid noqoshada hanaan siyaasadeed iyo xisbiyo aan ku dhisneyn shuruuc la isla ogol yahay, taas oo dalka u horseedi karta kala tag siyaasadeed”.

     
Loading...