Wasaaradda Maaliyadda ayaa qabatay kulan-hawleed ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Gudoomiyaha Bangiga-dhexe.
Kulan-hawleedkan oo qaybka ah shirar lagu dardargalinayo horumarinta arimaha dhaqaalaha Dalka waxa uu daba socdaa kulan noociisa ahaa oo qabsoomay 16-kii February, 2025, ayaa diirada lagu saaray wixii ka fulay qodobadii ka soo baxay kulankii hore, waxaana war-bixino ka jeediyey gudiyo-farsamo oo kulamadaa hore lagu sameeyey, sidoo kale waxa looga hadlay arimaha hortabinta u leh Xukuumad iyo sida loo kala siinayo mudnaanta wadaagayaasha tiirarka dhaqaalaha wakhtiga dhaw.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, oo gudoomiyey ayey goobjoog ahaayeen afar iyo toban xubnood oo ka tirsan golaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Xasan Saleebaan ayuu Wasiirka Maaliyaddu faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka iyo waxa la filayo.
"Waxa aynu is kugu nimid inaynu falanqayno oo aynu ka doodno qorshaha ay soo diyaariyeen gudidii-farsamo ee Wasaaraddaha uu khuseeyo dhaqaaluhu. Waxa aynu sidoo kale kulankeena ku ansixin doonaa jidwalka shaqada gudida sare iyo xiliyada ay kulmayaan, si aynu hore uugu socono”. Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda
Gebagebadii kulanka ayaa qodobada laga soo saaray u dhignaa sidan;
In la daddargeliyo arrimaha dhaqaalaha dalka, iyadoo la horumarinayo siyaasadaha, xeerarka, daraasadaha iyo istaraatiijiyada hay’adaha beeraha, kaluumaysiga, dalxiiska iyo macdanaha kala duwan ee dalka si waafaqsan qorshaha horumarinta qaranka ee saddexaad.
In laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa tamar jaban oo kaalin muhiim ah ka qaadata horumarinta dhaqaalaha dalka
In la casriyeeyo adeegyada gaadiidka hawada iyo kaabayaasha madaarada jamhuuriyadda Somaliland
In laga hawlgalo fududeynta hawlaha maaliyadda ee bangiyadda iyo deyn qaadashada si loo horumariyo ganacsiga iyo shaqo-abuurka
In la xoojiyo dedaalada lagu fududeynayo maalgashiga gudaha iyo dibedda si loo kobciyo dhaqaalaha dalka isla markaana loo soo jiito maalgashadeyaasha caalamiga ah
In la sameeyo siyaasada kor u qaadida tacabka gudaha iyadoo lagu bedelayo alaabooyinka fudud ee dibeda laga soo dhoofiyo lagu bedelo kuwo gudaha lagu sameeyey
In laga hawlgalo fududeynta ganacsiga iyo isku gudubka alaabooyinka u gudbaya wadamadda aynu jaarka nahay iyo in dekedeenu noqoto mid la tartanta kuwa wadamada jaarka ah si ay u bataan badeecadaha soo maraya dakhliguna u kordho.
Xukuumadda Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa wax weyn ka badelay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda oo waxa lagu soo daray Qaybta Horumarinta Dhaqaalaha.
Iyadoo laga duulayo qorshaha Madaxweynaha ayaa Madaxda-sare ee Wasaaraddu bilaabeen hawlo lagu dardargalinayo arimaha la xidhiidha hore-u-dhigista dhaqaalaha Dalka, waxa la yagleelay Gudiyo heer Wasiiro ah, kuwaas oo midba meel ka soo galayo Wadaagayaasha dhaqaalaha, kulamo gogol xaadh ah ayaa bilawgiiba la isku yimid, waxa la dejiyey Qorshe-hawleed lagu shaqeeyo, gudiyo farsamo oo is-ku-dhaf ah ayaa la magacaabay, waxa la is la meel dhigay jidwal shaqo oo wakhtiyeysan iyo hawle kale oo door ah.
Ugu danbayn, abaabulka iyo dardargalinta dhaqaalaha Qaranka oo ay kow ka tahay dejinta siyaasadii lagu dhaqi lahaa ayaa ah arin aad loogu baahnaa xiligan. Waxaana xusid mudan in kulanka lagu gaadhi doono jidka uugu haboon ee loo marayo kobcinta wax-soo-saarka gudaha si loo yareeyo dhibaatooyinka; sicir-bararka, cunto-yaraanta, heerka saboolnimada iyo shaqo la’aanta da’yarta Dalka.