Xildhibaanka ayaa ku yiri qoraal arrintaas uu kasoo saaray
Xildhibaan Cali Maxamuud Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa xildhibaanadii magacyadoodu ku qornaayeen Soojeedin xalay xildhibaano 2-da aqal ka tirsan ay kasoo saareen xaaladda dalka ayaa beeniyey inuu qeyb ka yahay xubnahaasi.
Xildhibaanka ayaa ku yiri qoraal arrintaas uu kasoo saaray"Anigaa ah Xildhibaan Cali Maxamuud Aadan, oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS, waxaan halkan ku caddaynayaa in layga been-abuur tahay oo sinaba aanan uga qayb ahayn liis ka magacyada Xildhibaanno maalintii shalay warbaahinta lagu baahiyay oo lasheegay in ay kasoo horjeedaan shirkii Madasha wadatashiga ee Muqdisho ka qabsoomay.
Kuwa iga been abuurtay, waxaan u sheegayaa in ay iska dhaafaan waxyaabahaas oo kale.
Mar labaad, waxaan u caddaynayaa bulshada Somaliyeed in liiskaasi uu been abuur ahaa, oo aan sharciga la tiigsan doono kuwa sidaas nooga been abuurtay".