Ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in la dadajiyay codsiyada qaxootinimo ee dadkan laga tirada badan yahay ee cadaanka ah maadaama ay dhibanayaal u yihiin waxa lagu sheegaay "Isir faquuq ".
Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in kooxdu aanay la kulmin cadaadis caynkaas oo kale ah oo mutaysan karaan aqoonsi qaxootinimo.
Maamulka Trump ayaa joojiyay dhammaan qaabilaadda kale ee qaxootiga, oo ay ku jiraan codsadayaasha ka imanaya dalalka dagaalladu ka socodaan. Human Rights Watch ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid arxan darro ah oo la kala jeclaysanayo dadka, iyada oo sheegtay in kumannaan qof - oo u badan qaxoonti madow iyo Afgaanistaan ah - loo diiday inay magangalyo ku galaan Maraykanka.
Kooxdan caddaanka ah ee Koonfur Afrikaan ah, oo Isniintii ka soo degay garoonka Dulles ee u dhow Washington DC, ayaa soo dhoweyn diiran kala kulmay madaxda Maraykanka. Qaarkood waxay haysteen caruur yar yar waxayna lulayeen calamada Maraykanka.
Hagaajinta qaxootiga ee gudaha Maraykanka ayaa badi qaadataa bilo, xitaa sanado, laakiin kooxdan si degdeg ah ayaa loogu fududeeyey. UNHCR - hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga - ayaa BBC-da u xaqiijisay in aanay ku lug lahayn hawlaha dadkan iyo baadhitaankooda qaxootinimo.
Trump oo Isniintii si toos ah wax looga weydiiyey sababta Codsiyada Qaxoontiga dadkan Afrikaners-ka cadaanka looga soo shaqeeyay si ka dhaqso badan kooxaha kale, waxa uu sheegay in "xasuuq” uu dhacayo, si gaar ahna loo bartilmaameedsanayo "Beeralayda Cadaanka ah”.
"Beeralayda waa la dilayaa, way dhacdaa inay cadaan yihiin, laakiin hadday caddaan yihiin iyo haddii ay madow yihiin wax farqi ah oo aniga ilama aha."
Laakiin madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu Trump u sheegay mar uu taleefoon kula hadlayay in qiimeynta Maraykanka ee xaaladda aanay "run ahayn".
"Qoxootiga waa qof ay tahay inuu ka tago dalkiisa cabsi uu ka qabo cadaadis siyaasadeed, cadaadis diimeed, ama cadaadis dhaqaale," Ramaphosa ayaa yidhi. "dadkani kuma haboona sifooyinkaas."
Ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau oo ka jawaabayey su'aal BBC-da ku weydiisay garoonka Dulles, wuxuu yidhi: "Ma ahan wax lala yaabo, nasiib darro, in waddan ay qaxooti ka yimaaddaan aanu qiran inay qaxooti yihiin."
Maraykanka ayaa dhaleeceeyay siyaasadda gudaha ee Koonfur Afrika, isaga oo ku eedeeyay dowladda inay la wareegtay dhul ay lahaayeen beeraley caddaan ah iyada oo aan wax magdhow ah laga siin.
Bishii Janaayo Madaxweyne Ramaphosa waxa uu saxeexay sharci muran badan dhaliyay oo dowladda u ogolaanaya in ay la wareegto dhul si gaar ah loo leeyahay iyada oo aan wax magdhow ah laga siin duruufaha qaarkood, marka loo arko "mid loo siman yahay oo danta guud ku jirto".
Mid ka mid ah la taliyayaasha aadka ugu dhow Trump, oo ku dhashay Koonfur Afrika Elon Musk, ayaa horay u sheegay in Koonfur Afrika uu ka jiro "xasuuqa dadka caddaanka ah" wuxuuna ku eedeeyay dowladda inay soo saartay "shuruuc lahaanshaha oo cunsuri ah".
Cadaanka Koonfur Afrika ayaa weli haysta ilaa saddex meelood saddex meel dhammaan dhulka gaarka ah ee waddanka, waxayna haystaan qiyaastii 20 jeer hantida dadka Madowga ah ee aqlabiyadda, sida uu qabo majaladda caalamiga ah ee tacliinta ee dib u eegista dhaqaalaha siyaasadda.
Xiisada u dhaxeysa maamulka Trump iyo dowladda Koonfur Afrika ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo Maraykanka uu safiirkii Koonfur Afrika u eryay Trump oo horay u dhaliilay mowqifka caanka ah ee Afrikaanka ah ee dacwadda ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo ku eedeysay xulafada Mareykanka ee Israa’iil xasuuqa Gaza.