Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii loo soo xidhi l
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa maanta si rasmi ah u yimid magaalada Ceerigaabo.
Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii loo soo xidhi lahaa Shirka Nabadda oo lagu xoojinayo nabadda, isu-soo dhawaanshaha, walaaltinimada iyo midnimada ummadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna bulshada wada degta Ceerigaabo iyo Gobolka Sanaag.