hadhwanaagnews
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim
A.S.C.W.R.W.B Tu KhaasAhna,
Bahda H/W IyoAkhristayaasha.
1-Cawro Dumarku Weeyan,
Ciqaabtoodu Ma Haboona,
Curad Xadhiga Caarkeenu,
Caaridaada Uma Baahnin.
2-Caadadeena Ma Ahayne,
C.Imrigiina Dib Uga Jooga,
Caano Daatay Daba Qabo,
Caaridaada Uma Baahnin.
3-Cafiga Caam Ku Sii Daaya.
Cudurdaar La Siin Maayo.
Citiraafku Caam Weeyeh,
Caaridada Uma Baahnin.
4-Cadhadii Inagu Raagtay,
Citiraafkan Naga Biiyay,
Cirro Gooni Uma Qaadan,
Caaridaada Uma Baahnin
5-Cishadan Ka Soo Dogay,
Cakuyeey Ismagacawga,
Ciilbaxeen Ciyaaraayay,
Caaridaada Uma Baahnin.
6-Caasimada Taageersan,
Calankeena Laga Taagay
Cadawgaygu Ka Cabaaday,
Caaridaada Uma Baahnin.
Ismail handuleh <[email protected]>
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!