Qudh Godaad Ka Samirtaa,Qabri Ruuxa Lagaa Dhigay,Quud Dareeye Xamartegay,Qiyaaso Ka Sheekee.

Wednesday November 11, 2020 - 09:47:25
hadhwanaagtv
W/Q: ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH .

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B].

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-QUUDHI WAAYADII NOLOL,KAA QADIYEY SHALAYTE,

QAYRKA KU HOOS DHIGAY,QUUD DAREYAHA TEGAY,

QARAN MOODAY FAQASHE,QUDHUNKI DUGSANAYA,

QOF DHINTUUNN KA SOO QAAD,WELI KA QARSONAN.

 

2-QABRI RUUXA KAA GALA,QUDHA WAAD KA SAMIRTA,

QOOMAMADA XANUNKALE,QAADAN WAAGA NOOLUHU,

QOORTOON LAGAA XIDHIN,QABAANSIGAN CADAAWA,

QALAD QALAD MA SAXAYA,QARNIGAYNU JOOGNAA.

 

3-QURUXDIISIBU CUNAY,CAD QUUDHEED KA QAATAA,

QAWADAHA WAX QUUNSADA,QIILBAW BANAANOO,

QANCINIYO TUSAALE,QABASHAY LEEDAY TABASHE,

QAANAN DHAMANIYO,QISAAS LOMA GALO QARASH.

 

4-QABYO KAY SUGAYSEY,QOOMAMADA KU HAYSAA,

   QAYB QOFKAY KU RAACDO,QIIRO KUMA DHAMATE,

  QUUDKII XALAALIYO,QORSHAA LAGU SALEEYAA,

 QIYAASBA LA JEEXDAA,QOODIGAAD FALAYSAAN.

            ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH .
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...