Maxamuud Xaashi Oo Tallooyin u soo jeeddiyay Dhalinyaradda reer Somaliland
Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhalinyaradda reer Somaliland u soo jeeddiyay siday u barteen Codbixinta, inay u bartaan sida loola xisaabtamo Masuuliyiinta qaranka, isla markaanna ay fahmaan awoodda dhalinyaraddu u leedahay inay ka sarreeyaan Masuulkasta oo Xil ummaddeed haya.
Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ku adkeeyay dhalinyaradda reer Somaliland inay fahmaan awoodda uu leeyahay codka ay bixinnayaan, kaasoo ay ku xisaabin karraan Masuulkasta heerka uu doono ha jooggee.
"Dhalinyaradda wax badan baan kula talin lahaa, laakiin hadal weliba hoostiisa leh, marka aynu hadh-qooddaalkaas joogno Dhalinyaradda waxaan leeyahay waxaad taqaannaan oo aad ka qalin-jebiseen, iyagoo UDUB-dhexaad u ah waxay barteen sida wax loo doorto, laakiin wali may barran dadka ay doorteen sida ay ula xisaabtami lahaayeen, waxaan leeyahay waar marka hore dad wanaagsan oo Xilka ku habboon doorta, marka xigtanna la xisaabtamma dadka aad doorateen.
Codkiinu yuu noqonin cod bilaash ah, yuu noqonin cod la amaahday, cod waa amaah ee naqad maaha, aniguse kuma darin oo sarre u qaaddi mayno oo doorashadeenna ayay dhaawacaysaa, laakiin waa arrin jira oo run ah arrinkii uu ka hadlaayay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay jiraan dad Kaadhadhkii codbixinta laga iibsadday, kuwaasi naqad bay qaateen, laakiin idinku codkiinii waa amaah, oo waxaad codkaas u amaahiseen Xildhibaankaas gole deegaan ama gole Wakiillo inuu wax idin qabto, markaa la xisaabtama Xildhibaankii aad codka siiseen.
Xildhibaankaas ama qofkaas aad doorateen waxa uu noqonnayaa laba mid uun mid maalintaas been idin sheegay oo codka doonnaayay, midka kalenna waa wixii Miyir-qababa waa rahii daynta qaatay ayuu ka dhiggan yahay, midka saddexaadna waa mid dayn ogol oo in lala xisaabtamo ogol."