Eedeynta Dadka: Xaqiiqda Ka Dambeysa Iyo Sida Loo Fahmo

Tuesday April 14, 2026 - 11:04:21
HADHWANAAGNEWS
Qofka garashada leh waa kan fahma in:


Nolosha waxaa ka mid ah in dadku ku eedeeyaan, xitaa mararka qaar wax aadan wax shaqo ah ku lahayn. Qaar waxay ku eedeeyaan si ay uga baxsadaan qaladaadkooda, halka qaar kalena ay ku sameeyaan si ay u helaan qiil ay ku qariyaan guuldarrooyinkooda.


 

Waxaa jira kuwo kale oo ku eedeeya iyagoo ka cararaya masuuliyadda saaran, maadaama ay ku adag tahay inay qirtaan khaladaadkooda. Halka qaarna aysan si fudud u aqbali karin inay qaldamaan, sidaas darteed waxay eedda u weeciyaan dadka kale.


 

Run ahaantii, eedeyntu mar walba ma aha xaqiiqo, balse badanaa waa sawir ka tarjumaya gudaha qofka eedeynaya, ma aha qofka la eedeynayo.


 

Qofka garashada leh waa kan fahma in:

 

Dadku had iyo jeer wax kuu sheegi doonaan

Laakiin aanay dhammaan run ahayn

Qofna uusan ka baxsan karin hadalka dadka


 

Ugu dambayn, ha u oggolaan hadalka dadka inuu saameeyo jidkaaga. Diiradda saar naftaada, sax khaladaadkaaga, kana gudub waxa aan adiga kaa khusayn.

Qoraal: Hammami Cabdi

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...