hadhwanaag
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Iimaanba Qofaan Lahayni,Miyuu Aakhiro Ogayahay,
Islaam Miyuu Dililahaa,Iblaysku Haddaanu Wadan,
Aayaadka Ma Beeniyeen,Hadduu Allaheen Yaqaano,
Admiba Dila Muu Amreen,Amaanku Ka Shaqaynlaha.
Ilamaa Adam Iyo Xaawa,Iblays Way Nagu Maraayo,
Awoodiisa Wuxu Duldhigay,Islaamaka Intu Ka Helo,
Afduubka Inuu Ku Wado,Ufbuu Yidhi Gaalado Dhan,
Islaamkuun Dhibaatadiisan,Ileen Ehel Bay Ku Yiine.
Ujeedkoodu Waa Islaamka,Intooda Anbatay Helaan,
Aduunkani Intuu Jiraba,Inay Dhex Ugaadhsadaanun.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!