Shirkii siyaasadeed ee Caalamka Islaamka iyo dalalkii Carbeed ee Qatar ka dhacay.

Wednesday September 17, 2025 - 17:42:50
hadhwanaagnews
Shirkan wuxuu xasuusinayaa shirarkii waaweynaa ee lagu qabtay


Cali Biixi


shirkii degdegga ahaa ee dalalka Islaamka iyo Carabta ee lagu qabtay Qatar,
iyo saameynta siyaasadeed ee ka dhalatay weerarka Israa’iil:

*Hordhac:
Shirkii degdegga ahaa ee dalalka Islaamka iyo Carabta ee lagu qabtay magaalada Doha, Qatar, wuxuu noqday mid taariikhi ah oo muujiyay isbedel weyn oo ku yimid aragtida siyaasadeed ee gobolka. Wuxuu ka dhashay weerar Israa’iil ay ku qaaday xarumo martigelin ah oo ku yaala Doha, taasoo dhalisay cadho iyo midnimo aan horay loo arag.

Shirkan wuxuu xasuusinayaa shirarkii waaweynaa ee lagu qabtay magaalada Baghdad iyo Khartoum xilligii dagaaladii Carabta iyo Israa’iil, balse wuxuu leeyahay astaamo cusub oo muujinaya in dalalka Islaamka ay u baahan yihiin dib-u
-habeyn istiraatiiji ah.

Qodobbadii Ka Soo Baxay Shirkii:
-Cambaarayn adag oo loo jeediyay Israa’iil, iyadoo lagu tilmaamay weerarka mid sharci daro ah.
-Taageero buuxda oo la siiyay Qatar, iyadoo la muujiyay midnimo Carbeed iyo Islaami ah.
-Baaq mideysan oo lagu dalbanayo in la joojiyo gardarada Israa’iil iyo in la ilaaliyo madax
-bannaanida dalalka Islaamka.
-Digniin laga bixiyay qorshayaal Israa’iil ay ku doonayso in ay gobolka ku soo rogto hogaan cusub oo u adeega danaha Tel Aviv.

Dood Cilmiyeed: Maraykanka, Israa’iil iyo Saaxiibtinimada Laga Walaacsan yahay.

1- Maraykanka iyo Israa’iil: Xulafonimo Mise Isku
-danaysi?

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Maraykanka oo xiliga weerarka dhamaaday soo booqday Israa’iil,
Halkii ay agayd in uu Qatar ku soo horeeyo.

wuxuu si toos ah u muujiyay in Maraykanku yahay xulafada Israa’iil oo keliya.
Tani waxay dhalisay su’aal cilmiyeed ah: Maraykanku ma yahay garsoore dhexdhexaad ah mise waa garab dagaal Israa’iil taageersan xaq iyo xaqdaro.

-Aragtida koowaad waxay sheegaysaa in Maraykanku uu leeyahay danaha istiraatiijiga ah ee gobolka, sida ilaalinta saldhigyada milatari iyo xasiloonida suuqyada shidaalka.
-Aragtida labaad waxay muujinaysaa in Maraykanku uu si buuxda u taageero Israa’iil, isagoo iska indho
-tiraya dhibaatooyinka ay la kulmaan dalalka Islaamka.

2- Qatar iyo Xamaas: Martigelin Siyaasadeed Mise Qatar Waa Bartilmaameed?

Qatar waxay martigelisaa hogaamiyeyaasha Xamaas , ikhwaan muslimiimka , Taalibaan , Alnusra iyi qaar kale, taasoo ka dhigaysa bartilmaameed siyaasadeed.
Doodu waxay tahay: Qatar ma leedahay xaq ay ku martigeliso ururo mucaarad ah mise waa in ay ka fogaataa khataraha caalamiga ah?

-Aragtida taageerada Xamaas waxay sheegaysaa in Qatar ay difaaceyso xuquuqda Falastiin iyo halganka xorriyadda.
-Maraykanku isagaa madaxda ururadan Islaamka dejiyay Qatar.
-Aragtida ka soo horjeeda waxay muujinaysaa in Qatar ay halis gelinayso amnigeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay quwadaha reer galbeedka.

3- Midnimada Islaamka: Muuqaal Siyaasadeed Mise Dareen Kumeelgaadh ah?

Shirkan wuxuu muujiyay midnimo aan hore loo arag, balse doodu waxay tahay: Midnimadaasi ma tahay mid waaraysa, mise waa falcelin kumeelgaadh ah?

-Aragtida rajo leh waxay sheegaysaa in shirkan uu noqon karo bilowga dib
-u-curashada siyaasadda Islaamka.
-Aragtida dhabta ah waxay muujinaysaa in midnimadaasi ay ku saleysan tahay dareen iyo cadho, balse aysan lahayn qorshe istiraatiiji ah oo waara.

-Qatar wax ma ka ogayd weerarkan?

Dadka qaar waxay leeyihiin Qatar waxba kama ogayn .
Dalka Maraykanka waxva ka ogayn?
-hadaba duurto gal ma tahay in aanay Qatar iyi dalka Maraykanka waxba ka ogayn,
Iyada oo 4 dal oo carbeed diyaaradaha Israa’iil (Syria, Jordan, Iraq iyi Saudi Arabia ay soo mareen,
-sidee dalka Qatar iyi dalka Maraykanka u ogaan waayeen weerarkan
-Saldhiga bariga dhexe ugu weyn ee Maraykanku ku leedahay Qatar,
sidee ku ogaan waayeen?

-su'aali badan oo aan jawaab cad lagayn ayaa jira.

*Gunaanad:

Shirkii Qatar wuxuu ahaa fariin cad oo muujinaysa in dalalka Islaamka ay diyaar u yihiin in ay ka falceliyaan gardarooyinka Israa’iil. Wuxuu sidoo kale iftiimiyay kalsooni daro sii kordheysa oo laga qabo Maraykanka.
Doodaha cilmiyeed ee ka dhashay shirkan waxay muujinayaan baahida loo qabo dib
-u-habeyn siyaasadeed, istiraatiijiyad mideysan, iyo in la dhiso hay’ado u adeega danaha Islaamka.

Dalka Israa’iil waxa uu weeraray Yemen, Syria,
Lebanon, Iraq, Iran iyo xasuuqa Gasa ka socda.

Hadaba nabadii bariga dhexe
Ma sii jiri kartaa?
Waynu eegi doonaa mustaqbalka soo socda.


Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...