Kulankan oo ay xildhibaanka ku wehelinayeen xubno....
hoolka shirarka ee magaalada Minneapolis (City Hall) uu Maayarka magaalada Minneapolis, Mudane Jacob Frey ku qaabilay Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax, oo labaddii todobaad ee u danbeeyay safar booqasho ah ku joogay dalka Maraykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota.
Kulankan oo ay xildhibaanka ku wehelinayeen xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee gobolka Mennisota. Sida u uu Xildhibaanku ku baahiyay bogiisa, ayaa soodhaweyn kadib Maayarka iyo Xildhibaanku iska waraysannay xidhiidhka, iskaaashiga, iyo mabaadiidda maamul ee ka dhaxeeya labada dal ee Maraykan iyo Somaliland, sida hannaanka dimuqraadiyadda, ilaalinta xuquuqda aadamaha, iyo suuqa xorta ah. Xildhaabka ayaa sheegay, maadaama oo ay labadooduba yahiin mudanayaal lagu doortay cod bulsho, in ay iska waraysteen hannaanka dimuqraaddiga ee Somaliland, sida uu u korayo iyo in uu bogaadin iyo taageero mudan yahay.