Dowladaha Itoobiya iyo Ruushka ayaa maanta kala saxeexday heshiis kor loogu qaadayo dhismaha Ciidanka Badda Itoobiya.
Wafti uu hoggaaminayo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Ruushka, Admiral Vladimir Aurobiv, ayaa soo gaadhay Addis Ababa, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Badda Itoobiya, Commodore Jemal Tufisa.
Labada masuul ayaa kala saxeexday heshiis la sheegay inuu xoojin doono dhismaha Ciidanka Badda Itoobiya, isla markaana uu gogol xaadh u noqon doono iskaashi dheeraad ah oo labada dal dhex mara mustaqbalka.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu fure u noqonayo horumarinta awoodda Ciidanka Badda Itoobiya, taas oo la filayo inay sare u qaaddo difaaca.