DEG DEG India oo Xidhiidh La Samaynaysa Somaliland, Maadaama China iyo Turkigu ay Muqdisho Afka Wax Kala Goostaan.

Sunday June 01, 2025 - 19:10:01
hadhwanaagnews
Xeebta ugu dheer.


Dawladda India oo ah Dalka Hogaaminaya dhinaca Tirada Dadka aduunka ayaa la sheegay in ay qorshaha ugu jirto sidii ay xidhiidh Wanaagsan ula yeelan lahayd Dalka Yar ee ku yaala bariga Afrika Somaliland oo aan weli aqoonsi ka helin Caalamka.

Warbixin lagu baahiyay mid ka mid ah Warbaahinta Dalka India ayaa lagu sheegay in qorshahaas oo yimid Wixii ka dambeeyay Dagaalkii dhawaan dhex maray India iyo Pakistan uu ahay mid yimid xilligii loo baahnaa.
India oo Maanka ku haysa in Dagaalkaasi ay qayb ka ahaayeen Dalalka Turkiga iyo Shiinaha oo Sidoo kalena saaxiib dhaw la ah Somalia in la gaadhay xilligii ay iyana isu barbar taagi lahaayeen Dalkan Somaliland oo dhaca Bariga Afrika lehna

Xeebta ugu dheer.

Dalalkan Turkiga iyo Shiinuhu Waxa ay xusul duuban yihiin Dagaalka ka dhanka
Ah Somaliland, Halkaas ayaana ah dhufsane yaraha ay wadaagaan Somaliland iyo India oo labaduba cadaw u yaqaana dalalkaasi.

Dekeda Berbera Oo ku Taala Somaliland

Waa bogcad lagala socon karo dhaqdhaaqyadda Gobolka, India oo aanay ku cusbayn Deegaankanina waa meel soo dedejinaysa in ay xidhiidh cusub la samaystaan Somaliland.
     
Loading...