Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre oo uu wehelinaayoAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa furay Qandaraaska Nashqadaynta ,Keenida ,Rakibida ,Tijaabinta iyo Hawlgalinta Nidaamka kaydinta tamarta baytariga ee qoroxda kaasi oo loo samayn doono xarumaha Waxbarashada oo u kala qaybsan (LOT 1 iyo LOT 2) eeGobolada Maroodi-jeexAwdal,Saaxil , Togdheer iyo Sanaag , furitaankaasi oo ka qabsoomay Xafiiska Unnuga Fulinaaya Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland (SESRP/PIU Office) .
Ujeedada furitaanka ayaa ahayd in la bilaabo qiimaynta iyo kala saarida tartamayaasha kala duwan ee soo xaraystay Qandaraasyadaasi kuwaasi oo u kala qaybsanaa (LOT 1) oo ah 29 Iskuul oo ku kala yaala Gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag iyo (LOT 2) oo ah 28 Iskuul oo ku kala yaala Gobolada Maroodi-jeex iyp Awdal.
Ugu horayn madaxa wax iibsiga Mashruuca Dib u Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Xasan Jibriil ayaa sharaxay Hanaanka iyo nidaamka loo maraayo furitaanka qandaraasyadaasi si ka soo qaybgalaysaahu uga war qabaan hanaanka loo maraayo furitaanka qandaraasyadaasi koronto siinta xarumaha waxabrasahda ee goboladaasi sare ku xusan.
Geesta kale Madaxa Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland Mudane Cabdifataax Cumar Cabdilaahi ayaa faah faahin ka bixiyay qaybaha uu mashruucu ka kooban yahay gaar ahaan qaybta sadexaad oo ay xarumaha waxbarashadu ka mid yihiin.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa xusay in tartamayaasha loogu garsoori doono hanaan daahfuran oo cadaalada iyada oo la raacaayo shuruucda iyo qawaaniinta si loo sugo cadaaladda iyo daahfurnaanta.
Gabogabadii Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa kula dardaarmay Gudida Qiimaynta iyo kala saarida Tartamayaasha (Shirkadaha) soo xaraystay qandaraaska koronto siinta xarumaha Waxbarashada gobolada kor ku xusan in ay ilaaliyaan cadaaladda iyo daah-furnaanta iyaga oo raacaaya nidaamka iyo xeerarka u dajisan , si loo gaadho yoolka Mashruuca oo ah in xarumaha Waxbarashadu helaan koronto ku filan , la isku halayn karo isla markaana ka timaada ilo nadiifa.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() ![]() |
![]() |
![]() |