Madaxweynaha oo Daahfuray Shirweyne lagu Horumarinayo Ganacsatada Yar Yar iyo Dhexe ee Dalka Somaliland

Wednesday April 30, 2025 - 11:11:12
hadhwanaagnews
Madaxweynaha JSL, waxa uu faray wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska....



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan nabadaynta iyo sii-daynta maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood, isla markaana ay doonayaan in la furo mar kale isu-socodka ganacsiga iyo bulshada.

 

Waxa kale oo madaxweyne Cirro xusay in xukuumadda ay go’an inay dedaal dheerada geliso xoojinta dhaqaalaha iyo in horumarku noqdo mid dhammaan dhinacyada dhaqaaluhu isla jaanqaadaan.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay jiraan caqabado badan oo aan la dhayalsan karin oo hor yaalla ganacsatada dabaqadda dhexe iyo kuwa hoose ee dalka, kuwaas oo xusay inay yihiin helitaanka fursadaha maalgelinta iyo deymaha oo ku adag, nidaamka maamulka ganacsiga iyo shuruucda oo mararka qaarkood xakame ku noqda ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.

 

Madaxweynaha JSL, waxa uu faray wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska iyo hay’adaha kale ee arrimaha ganacsiga la xidhiidhaba in ay kordhiyaan wacyigelinta bulshada taasoo muwaadiniinta lagu baraarujinayo in ay ficil ahaan iyo farsamo ahaanba yeeshaan dhaqan maalgashi iyo hal-abuur ganacsi.

 

Waxaanu yidhi ."Xukuumadda Wadajir iyo waxqabad, waxa ka go’an inay dedaal dheerada geliso xoojinta dhaqaalaha iyo in horumarku noqdo mid dhammaan dhinacyada dhaqaaluhu isla jaanqaadaan.

 

Ganacsiga yar yar ee dhexe ee dalku horumar la taaban karro ayuu sameeyay mudadii uu Qarankani jirey, waxa uu yahay sida uu maayerkuba sheegayay laf-dhabarta dhaqaalaha JSL.

 

Waxa uu saami muuqda ku leeyahay Ilaha ay ka soo baxaan miisaaniyada guud ee Qaranku iyo kuwa degmooyinku.

 

Sikasta ha ahaate waxa jira caqabado aan la dhayalsan karin oo horyaala ganacsata dabaqada dhexe iyo hoose, waxa ka mid ah helitaanka maalgelinta iyo daymaha oo ku adag nidaamka maamulka ganacsiga iyo shuruucda dalka oo mararka qaarkood xakame ku noqda, in suuqyada dalka oo mararka qaarkood aanay jirin xasilooni, sidaasi darteed ay ganacsiyo badan si fudud ugu kacaan,”

 

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqey in xukuumadu ay la timid dadaalo lagu horumarinayo ganacsiyada kala duwan ee dalka ka jira.

 

Waxaanu yidhi. "Xukuumad ahaan waxa la nimid dedaal saddex weji leh oo aanu dooneyno in aanu ku xoojino ganacsiga yar yar iyo kuwa dhexe ee dalka, ganacsiguna waxa uu ku shaqeysan kara marka nabadii jirto, marka waxa aanu siiwadi doona qorsheyaasha aanu xoojineyno nabada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo gaar ahaan degaannada gobolka bariga Sool ee Somalialnd,”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in ay xukuumadda Wadajir iyo waxqabad mudnaanta kowaad siineyso siideynta Maxaabiista iyo sidii dib la isugu furilahaa isu socodka bulshada iyo ganacsiga.

 

Waxaanu yidhi."Waxa aanu mudnaanta kowaad siin doona siideynta Maxaabiista iyo sidii dib la isugu furilahaa isu socodka bulshada iyo ganacsiga”

 

Geesta kale madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu caddeeyay in ay xoojin doonaan suuqa xorta ah si loo helo tartan furan, loona dhiirigeliyo hal abuurka.

 

Waxaanu yidhi."Waxa aanu xoojin doona suuqa xorta ah si loo helo tartan furan, loona dhiirigeliyo hal-abuurka iyo aragti is-dhaafsiga muwaadiniinta oo dhan, waxa naga go’an in aanu tirtirno wax kasta oo caqabad ku noqon kara maalgashiga iyo hal abuurka ganacsiga, anaga oo xooga saari doona ilaalinta xuquuqda lahaanshiyaha hantida, si muwaadinku xor ugu noqdo una shaqeysto.

 

Waxaanu aaminsanahay in ganacsigu yahay jidka loo maro horumarka iyo badhaadhaha dalka, sidaas awgeed waxaanu dib u eegis ku sameyn doona meeshana ka saareyna caqabadkasta oo dib u dhigikarta abuurista ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe”

 

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in muwaadiniinta hal abuurka ganacsi le ay u raadin doonaan dayn.

 

Waxaanu yidhi."Waxaanu maalgashi iyo dayn u raadin doonaa muwaadiniinta leh hal abuurka ganacsi, waxaanu kordhin doonaa tayada iyo waxqabadka shaqaalaha dowladda, ee ku hawlan hay’addaha la xidhiidha ganacsiga, si ganacsiyadu cusub iyo kuwii hore u jireyba loogu sameeyo hawl fududeyn,”

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in uu rajaynayo in Shir-weynahan Qaran ay ka soo bixi doonto natiijo ka turjumaysa hal-ku-dhigga loo dooray Madashan oo ah in la helo afkaarta lagu curinayo siyaasadda, aqoonta iyo maaliyadda lagu xoojinayo ganacsiyada yaryar iyo dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland si looga hor qaado caqabadaha hor yaalla.

 

Waxaanu yidhi."Madashani waa fursad ay ganacsatada, khubarada, masuuliyiinta laamaha dowladda iyo saaxiibada Caalamiga ah, ganacsatada dalka iyo baananka gaarka loo leeyahayba ay wax iska weydiin doonaan hannaanka ugu haboon, ee aynu ku xoojin karno ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe ee dalka.

 

Waxaan boggaadinaya hal ku dhiga sannadkan aad qaadateen ee ah xoojinta adkeysiga, ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe.

 

Waxaan rajeynayna in shirkan uu ka soo bixi doono natiijo ka turjumeysa magaca aad doorateen, ahna in la helo afkaarta lagu curinayo siyaasada aqoonta iyo maaliyada lagu xoojinayo ganacsiga yar yar iyo kuwa dhexe ee JSL, silooga korqaado caqabadaha yaala.

 

Wasaaradda horumarinta ganacsiga iyo dalxiiska iyo hay’addaha kale ee arrimaha ganacsiga la xidhiidha, ee Qaranka waxaan faraya inay kordhiyaan wacyigelinta bulshada, ee muwaadiniinta loogu abuuri karo dhaqan maalgashi iyo hal abuur ganacsi, gaar ahaan in muwaadiniinta la baro suuragalnimada ka ganacsiga khayraadka dalka.

 

Suuqyada dalka dibediisa iyo gudihiisa oo ay ka mid yihiin Milixda, khayraadka baddaha, faleenka iyo xabkaha iyo in aynu dhiirigelino shuraakada iyo wax wada lahaanshaha.

 

Waa run in kaabayaasha maaliyadu sees u noqdaan horumarka dhaqaalaha sidaasi darteed waxa aanu dadaal dheerada geliney horumarinta dhismaha waddooyinka iyo nidaamka isu-socodka dalka.

 

Sidoo kale 100-kii cisho ee u horraysay waxa aanu dejiney dariiqi curinta siyaasada Qaran ee ganacsiga, siyaasada horumarinta dalxiiska, ka ganacsiga beenyada iyo faleenka, waxaanu idinka fileynaa labada cisho ee halkan shirku ka socdo inay ka soo baxaan doodo, haddii Alle qadaro, cilmibaadhisyo laga dhex helo afkaar siidh ama bacrimin u noqda horumarinta ganacsiga yar yar iyo kuwa dhexe”

     
Loading...