Dawladaha Somaliland iyo Ghana oo Heshiis Kala Saxeexday

Thursday May 08, 2025 - 13:50:07
hadhwanaagnews
Qoraalkan ka soo baxay Baarlamaanka Ghana waxa lagu sheegay....



Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Chana ee Galbeedka Afrika Mr. Alban ayaa xarunta Baarlamaanka dalkaasi ku qaabilay wefti sare oo ka socda dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku joogay dalkaasi Ghana, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Baarlamaaka dalka Ghana.

 

Weftiga Somaliland oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal, waxa kulankaasi ka dhacay Baarlamaanka ku wehelinaysay, gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee barashada waddaniyada ee dalka Ghana iyo saraakiil sare sare oo ka tirsan dawladda Ghana.

 

Qoraalkan ka soo baxay Baarlamaanka Ghana waxa lagu sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi uu si diiran u soo dhaweeyay uuna qaabilay weftigan ka socday Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo u sheegay weftiga Somaliland in Baarlamaanka dalkiisa ay ka go’an tahay sidii loo taageeri lahaa tallaabooyinka lagu kobcinayo Dimuqraadiyadda iyo masuuliyadda waddaniyada oo ah laba shay oo laga hirgaliyay dalka Somaliland.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Khadar Nuur Cabdi ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Ghana uga mahad-naqay soo dhawaynta iyo qaabilaada fiican, isaga oo xusay in dalka Somaliland oo ku han wayn yahay inuu ka korodhasado hannaanka Dimuqraadiyadeed iyo horumarinta Hay’adaha dawliga ah maadaama oo Somaliland muddo ka badan 20 sano uu ku soo dhaqmaayay hanaanka Dimuqraadiyadda waxyaabo badan ay wadaagaan dalka Ghan.

 

Geesta kale weftiga ayaa intii ay booqashada ku jireen waxa ay heshiis la saxeexdeen Komishanka heer Qaran ee barashada waddaniyada ee dalkaasi, heshiiskaasi oo la xidhiidha sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarinta barashada waddaniyada iyo Dimuqraadiyadda iyada oo dalka Ghana oo ka caawin doono waxyaabo badan Somaliland.

 

Gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee barashada waddaniyada dalka Ghana ayaa heshiiskaasi saxeexday ayaa sheegtay sidoo Kalena warbaahinta Ghana ayaa ku tilmaamtay Somaliland inuu noqday dalkii u horeeyay ee Afrika ah ee heshiiskii dhinaca barashada waddaniyada ah la saxeexda Ghana, waxaanay ku sheegeen inuu muhiimada u leeyahay labada dalba.

 

Agaasimaha wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland oo isaguna heshiiska u saxeexay dhinaca Somaliland ayaa tilmaamay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah oo waxtar wayn u yeelan doona Somaliland, waxaanu intaasi ku daray in dalka Ghana oo tusaale fiican u yahay Qaarada Arfika, marka ay noqoto dhinca waddaniyada iyo Dimuqraadiyadda, taasina ay fursad muhiim ah u tahay Somaliland.

     
Loading...