Somaliland oo ciidan tiro badan dhoobtay jiida gobolka Sanaag.

Wednesday March 05, 2025 - 21:03:16
hadhwanaagnews
Goobta ay joogeen boqol askari oo kamid ah ciidanka madaniga

May be an image of 2 people and crowd


Ciidamo tiro badan oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa la geeyay furimaha hore ee gobalka Sanaag, kadib markii laga qaaday ciidankii madaniga ahaa ee halkaas joogay kuwaas oo dawladdu qaramaysay.

Goobta ay joogeen boqol askari oo kamid ah ciidanka madaniga ah, waxaa la geeyay laba boqol oo askari " sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali.

Ciidankii madaniga ahaa ee gobalkaas joogay ayaa loo qaaday tababar ay ku soo qaadan doonaan dugsiga tababarka ee Bixin.

Gaadiidkii ciidankani ku dagaal gali jiray ayaa lagu wareejiyay Dowladda, waxayna ku noqdeen furimahii ay ka hawlgali jireen, yadoo lagu qalabeeyay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka.

     
Loading...