Kormeer Xarumaha caafimaadka ee uu ka socdo mashruuca Batter life ee Gobolka Awdal.

Friday April 11, 2025 - 13:13:00
hadhwanaagnews
Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd sii loogu kuurgali lahaa ...

Masuulitiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaaadka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka kala socday hay,adda UNICEF iyo dawladda Ingriiska laanteeda Horumarinta iyo Xafiiska ingiriiska ee magaalada hargaysa, ayaa kormeer kusoo maray xarumaha caafimaadka ee uu taageero mashruuca Batter life ee Gobolka Awdal.

Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd sii loogu kuurgali lahaa habsami u socodka mashruuca, waxyaabaha hirgalay iyo caqabadaha jira, waftiga ayaa waxaa soo dhaweeyey masuuliyiinta caafimaadka gobolka Awdal, iyagoo mid mid usoo maray xarumaha caafimaadka ee uu taageero
Mashruucu.

Sidoo kale waftiga ayaa kulan balaaadhan la qaatay gudoomiye ku xigeenka gobolka Awdal iyo maayir ku xigeenka dagmada Borama, kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay guulihii laha gaadhay mashruuca intii uu socday caqabadaha jira iyo sidii, si wada jir ah loogu xalin lahaa.
     
Loading...