"Sirta ku jirta diwaangelinta ciidanku Waa in Noloshii Askariga iyo Ciidamada Kor loo Qaado" Taliyaha Ciidanka Booliska

Wednesday April 09, 2025 - 11:33:41
hadhwanaagnews
Taliyaha ayaa Ciidamada Mashruuca wax-soo-saarka iyo Gammaanka...



Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, sheegay in diwaangelinta ciidamada Qaranka ee madaxweynuhu daahfuray dhawaan la soo gaba-gabeyn doono, isla markaana sirta ku jirta ay tahay diwaangelinta in kor loo qaado nolosha askarta iyo ciidamada Qaranka JSL.

 

Sidoo kale waxa uu xusay in dhammaadka Bishan uu kordhayo mushaharka ciidamadu, waxa uu intaas ku daray in Riig biyood laga qodi doono Mashruuca Banka Tog-wajaale si kor loogu qaado wax soo saarka.

 

Taliyaha ayaa Ciidamada Mashruuca wax-soo-saarka iyo Gammaanka kula dardaarmay in ay u diyaar garoobaan Diiwaangelinta Ciidamada iyo Xuska maalinta Qaran ee 18-ka May.

 

Taliyaha , ayaa sidoo kale Ciidamada ku bogaadiyay in ay xoojiyaan Waxsoosaarka beerta Tog-wajaale, si Ciidanku isugu filnaado xagga cuntada, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo ka caawin karta Ciidanka in ay ku tiirsanaadaan khayraadkooda gudaha.

 

Waxaanu yidhi."Halkani waa bankii Wajaale waana dhulka ILLAAHEY ina siiyay, waxna ay ka baxayaan, caleen badan oo aad goyseena waan arkaya, inaynu halkan riig ku taagno oo waxa aynu cuno kala soo baxno haddii ILLAAHEY yidhaahdo, khudrad ku beerno, haddii aynu u dhaqaaqno inaynu wax beerno in ciidanku in isku filaanshiyo la gaadhilahaa.

 

Madaxweynuhu wuxu amray in ciidamada la diwaangeliyo waanay socota, dhawaana way soo gaba-gaboobeysa, Bishan hadii ALLE yidhaahdo nalama dhaafayso soo afjaristeedu, Bishan markay dhammaatana mushaharku wuu kordhaya haddii ALLE qadaro, sirta ku jirta diwaangelinta ciidamadu waa in noloshii askariga iyo ciidamada kor loo qaado, dowladuna ogaato ciidankeeda, ciidanka u nool ee taagan ee ay ku xisaabtameyso inay ogaato,”

 

 

     
Loading...