DEG DEG Taliyaha Dabdamiska Somaliland Oo Soo Saaray Warbixin Cusub..

Sunday June 01, 2025 - 10:24:52
hadhwanaagnews
Kulanka ayaan ujeedadiisu ahayd sidii loo bilaabi lahaa tababarada....


Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta kulan la qaatay Maayar ka Magaalada Sheekh Ismaaciil Xuseen Cali, Xildhibaan Saleebaan Xasan Gahayr iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Muuse Aadan .

Kulanka ayaan ujeedadiisu ahayd sidii loo bilaabi lahaa tababarada Ciidanka Dabdemiska magaalada Sheekh ee dhawaan la soo xulay.

Ciidanka Dabdemiska ayaa dhawaan sameeyay imtixaam lagu soo xulay 15 xubnood oo si rasmi ah loogu qaatay Ciidanka Dabdemiska Sheekh, waxaana dhawaan loo bilaabi doonaa nidaamkii Ciidanka iyo tababarradii.
Ugu dambayn kulankaa ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarasho.
     
Loading...